Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in uu wax ka qabanayo ammaanka Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Sabti, January 10, 2009(HOL): Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu maanta shaaca ka qaaday in uu wax ka qabanayo amni darro sii baaheyso oo Muqdisho ka jirta, taasi oo ay qeyb ka yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin qorshayaal ay ku nabadeynayaan Magaalada Muqdisho, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Ciidamada dhibaatooyin ka geysta magaalada Muqdisho ay xerooyin gelin doonaan.

Dhagax-tuur waxa uu intaas ku daray in ay dhawaanahan soo gaarayeen cabashooyin ka imaanayay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhibaatooyin kala kulmayay qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay haatan doonayaan in ay cabashooyinkaas wax ka qabtaan.

Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan eeddo laga sheeganayay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo mararka qaarkood dhexdooda isku dhaca isna rasaaseeya.

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Cali (Dhagax-tuur) ayaa wuxuu cambaareeyay kooxihii ka dambeeyay dil dhawaan loo geystay sarkaal u shaqeynayay Hay’adda WFP oo lagu magacaabi jiray Cumar Dheere, kaasi oo isagoo raashin-qeybin ku howlahaa lagu dilay Degmada Dayniile, wuxuuna sheegay in kooxihii dilay ay ahaayeen kuwo ka soo horjeeda in dadka dhibaateysan gargaar la gaarsiiyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia