Sabti, January 10, 2009(HOL): Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay bur burtay Dowladii dhexe ee Dalka Soomaaliya waxaa meesha ka baxay inta badan kaabayaashii muhiimka u ahaa adeegga bulshada, maadaama aysan helin daryeelkii loo baahnaa.
Haddaba Goballka Hiiraan oo ka mid ah Goballada Dhexe ee dalka Soomaaliya isla markaana muhiin u ah isku xirka qeybaha kale ee uu dalku ka kooban yahay ayaa markii ugu horeysay waxaa si toos ah looga bilaabay Mashruuc la doonayo in lagu dhiso wadada dheer ee dhaxmarta Goballka Hiiraan oo 18-kii sano ee la soo dhaafay aan helin wax dayactir ah.
Qeyb ka mid ah Mushruucan ayaa lagu dhameystiray dhismaha 400-mitir, halka 1100-mitirna ku dhaw yihiin gabo gabo, kuwaas oo ay maageliyeen Guddi ay lee yihiin gaadiidleyda Goballka Hiiraan, sida uu sheegay Eng, Cali Xaaji Shirwac oo ah mas'uulka gacanta ku haya dhismaha wadada.
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ah hormuudka howshan lagu dayactirayo dhismaha wadada dhaxmarta Goballka Hiiraan oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Ganacsatada, Odayaasha dhaqanka, Guddi Gaadeedleyda, iyo waliba farsamayaaqo ayaa waxaa ay kormeer ku tageen masaafo dhan 60-km.
Eng, Shirwac oo ka mid ahaa Xubnihii Safarka ku wehliyay Ugaas C/raxmaan ayaa u sheegay HOL in ay ku soo arkeen inta u dhaxeysa Beledweyne iyo deegaanka Garasyaani oo dhan 60-km burbur saameyn xoog leh keeni kara, waxaana uu intaas ku daray in ay arkeen 15 Buundo oo wixii hadda ka danbeeya aan la mari karin iyo waliba 10 Buundo oo qarka u saaran in ay dumaan, isaga oo intaas raaciyay in darbiyadii ka dhisnaa hareeraha wadada ay la tageen fatahaadihii is xig xigay ee soo maray Goballka.
Eng. Shirwac waxaa uu intaas ku sii daray in 15-ka Buundo ee laga joojiyay in la maro yihiin kuwo u baahan in gunta hoose laga soo dhiso, gaar ahaan waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay wanaagsanaan laheyd qeybaha Laamigu ka bur bursan yahay in dib Laamigii loogu celiyo, waana tan keentay ayuu yiri in loo baahdo taageero ka ballaaran inta howshan gacanta kula jirta.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa u sheegay HOL in uu dirayo baaq guud oo ku wajahan dhammaan Umadda Soomaaliyeed iyo Jaaliyadaha dibada si markaas gacan looga wada geysto dhismaha wadada dhaxmarta Goballka Hiiraan oo ah mid muhiin u ah dhamaan Umadda Soomaaliyeed.
"Waxaan ugu baaqayaa dada Samafalka Jecel in ay gacan mug leh ka geystaan howshan lagu dayactirayo wadada dhaxmarta Goballka Hiiraan marka aan sidaa leeyahayna waxaan ula jeeda Goballka Hiiraan waa mid isku xira dhamaan qeybaha kale ee dalka, waana arrin marka dhinac laga eego Sadaqo ah, Waayo Qofkii jidka ka qaada shey dadka dhibaya Ilaah ayaa Ajar ka siinaya, Qofka in Jid la dhiso ka qeyb qaatana waa la garan karaa halka Ajarkiisu gaarsiisan yahay, marka waa in laga wada qeyb qaataa dhismaha wadada” ayuu yihii Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo u warmayay HOL.
Inkastoo hadda uun la bilaabay Mashuurcan lagu dayactiray wadada dhaxmarta Goballka Hiiraan ayaa hadana waxaa la oran karaa waxaa la qaaday tallaabo guul xambaarsan, waayo durbaba waxaa lagu guuleystay in la dayactiro qeybo ka mid ah wadada oo labo cisho ka hor xariga laga jaray.
Dadka ku dhaqan Goballka Hiiraan ayaa iyaguna dhinacooda si weyn u soo dhaweeyay Ololaha ay wadaan Ugaas C/raxmaan iyo kooxaha la shaqeynaya, waayo waxaa in la xuso mudan in dhabaatada ugu weyn ee Jidadka la dareemaa waqtiyada ay jiraan Roobabka oo dadka iyo gaadiidkuba ku dhibtoodaan maridda wadada.
Hadii aad dooneyso in aad gacan ka geysato dhismaha wadada la xiriir Tel, 2521-5564184, ama Tel, 2525-997099.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia