Shan ka mid ah Burcad Badeed heystay Markabkii Saliidda waday ee Sacuudiga oo geeriyooday

Cabirka Farta

Sabti, January 10, 2009(HOL): Shan ka mid ah Kooxo Burcad Badeed ah oo dhawaanahan af-duub ku heystay Markab Sacuudiga laga leeyahay oo ay ku rarneyd Saliid Ceyriin oo gaareysa 2 Milyan oo tan ayaa geeriyooday kadib markii ay la qalibantay Doon ay saarnaayeen.

Shanta Ruux ee geeriyootay iyo seddex kale oo ka badbaaday shilka doonta ku dhacay ayaa waxay ka tirsanaayeen kooxo Burcad Badeed ah oo shalay laga siiyay 3 milyan oo doollar sii deynta Markabka Sirius Star ee Sacuudiga laga leeyahay.

Shanta Burcad Badeedda ah ee geeriyootay iyo lacag ay Madax furasho ahaan u heleen oo ay wateen waxaa qaaday Badda, waxaana kaliya badbaaday seddex burcad badeed ah iyo lacag ay wateen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in koox kale oo Markabka ku hartay isla markaana sugayay inta ay saaxibadooda berriga u baxayaan ayaan iyana la ogeyn sida xaalkoodu noqon doono, bacdamaa ay xiligan mowjado xooggan ka dhacayaan Badweynta Hindiya.

Kooxda Burcad Badeedka ah ayaa intii ay heysteen Markabka Sirius Star waxay dalbanayeen lacag tiro badan oo aad uga badan inta haatan la siiyay, hayeeshee waxaa ugu dambeyntii wada hadal dheer kadib lagu guuleystay in Markabka la sii daayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia