Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya (Garabka Jibouti oo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ku eedeeyay in aysan rabin in ay Ciidamada Itoobiya baxaan

Cabirka Farta

Sabti, January 10, 2009(HOL): Mas’uul u hadlay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ayaa beeniyay eedeymo dhawaan loo jeediyay Isbaheysigaas oo ahaa in ay gaalo la midoobeen, isla markaana ay doonayaan in dalka Soomaaliya lagu dhaqo wax aan shareecada Islaamka ahayn.

Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh C/raxmaan Jinaqow ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin eedeymo uu dhawaan  u jeediyay Hoggaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo lagu magacaabo Abuu Zubeyr, wuxuuna sheegay in ay caddeynayaan in ay yihiin dad islaam ah oo ka shaqeynaya sidii dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhibaatada looga saari lahaa.

Shiikh C/raxmaan Jinaqow waxaa uu intaas ku eedeeyay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab in ay doonayaan in aysan ciidamada Itoobiya dooneynin in ay ka baxaan Soomaaliya, sidoo kalena ay doonayaan in aysan dagaallada ka dhamaanin Soomaaliya.

Halkan ka dhegeyso hadalka -C/raxmaan Jinaqow

Halkan ka dhegeyso hadalka -Abuu Zubeyr

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia