Ilaalada Madaxwaynah Puntland oo xarig ugu hanjabay qaar ka mid ah Wariyayaasha ka hawlgala Magaalada Boosaaso iyo Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo arrintaasi ka hadashay

Cabirka Farta

Sabti, February 07, 2009(HOL): Wasaaradda Warfaafinta DGPL ayaa markii ugu horaysay ka hadashay  dhibaatooyin kala duwan oo ay wariyayaasha Puntland kala kulmeen ilaaalada Madaxwayne Faroole oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Boosaaso  ee xarunta Ganacsiga ee DGPL.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta DGPL C/shakuur Mire Aadan oo maanta kulan saxaafadeed ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa wariyayasha u sheegay in cabashadooda ay ay  mar walba ay la soo socodsiiyaan wasaaradda Warfaafinta si wax looga qabto.
 
Kulanka uu wasiirka ku xigeenku qabtay oo ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee warbaahinta ayaa lagu soo hadal-qaaday sida uga haboon ee ay u kala bad baadi karaan saxafiiyiinta iyo ilaalada Madaxwaynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole.

Wasiirka ku xigeenka ayaa kula taliyay bahda warbaahinta in ay samaystaan dallada ay ku mideysan yihiin iyo kaarar aqoonsi ah oo lagu garto marka ay hawshooda ku jraan ,isagoo intaasi ku daray in cabashadooda wax laga qaban doono.

Sidoo kale C/shakuur Mire Aadan Wasiir ku xigeenka Warfaafinta DGPL ayaa ka hadlay qorshaha ay ku wada dhaqmayaan Xukuumadda cusub iyo bahda saxaafadda ,waxaana uu sheegay in aysan jiri doonin kharashaad la siinayo  xarumaha  warbaahinnada Puntland , maadaama Xukuumaddii hore  ay bixin jirtay kharashaad kala duwan oo la siiyo warbaahinada  ka hawl gala ,isagoo arintaasi u sababeeyay in ay tahay isbadal ka dhacay gudaha Puntland
 
Dhawaan ayay ahayd markii wariyaayaal ka tirsan Warbaahinta Puntland loogu hanjabay in la xirayo haddii ay qoraan warar ku saabsan Madaxwaynaha gaar ahaan ilaaladiisa ,waxaana qaar ka tirsan wariyayaasha lagu khasbay in ay isaga baxaan goobihii uu madaxwaynaha booqanayay .

Ugu danbayntiina kulanka uu qabtay Wasiir ku xigeenka ayaa lagu ballan qaaday in xukuumadda cusub ay ilaalin doonto xuquuqda suxufiiyiinta ,waxaana dhammaan bahda saxaafadda uu ka codsaday in lala shaqeeyo Xukuumadda cusub.
 
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia