Sabti, February 07, 2009(HOL): Afhayeen u hadlay Maxkamadaha Islaamiga oo ku baaqay in ay dadka ku dhaqan Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho is-hubeeyaan, si ay uga hortagaan dilalka loo geysto dadka rayidka ah.
Afhayeenka Maxkamada Islaamiga ah Shiikh Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa ugu baaqay shirkadaha kala duwan ee ka howlgala magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuqa ganacsiga ee Bakaaraha in ay is-hubeeyaan oo ay la soo baxaan hubkooda si ay u sugaan ammaankooda.
Shiikh Cabdiraxiin Ciise Caddow oo u waramayay Taleefashinka afka carabiga ah ku hadla ee Al-Jaziira ayaa sababtaasi ku macneeyay kadib markii ay maalmihii ugu dambeeyay isa soo tarayeen tacaddiyo kala duwan oo lagula kacayo dadka rayidka ah, iyadoo 48-kii saac ee la soo dhaafay dil loogu geystay Suuqa Bakaaraha dhowr qofood oo rayid ah oo uu ku jiro Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho Saciid Tahliil Axmed.
Shiikh C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in marka ammaanka la sugo ay dadka ka uruurin doonaan hubka ay u fasaxeen in ay ammaankooda ku sugaan, wuxuuna sheegay in sababta ay amarkaaas u bixinayaan ay tahay iyadoo ay soo bateen dilalka loo geysto dadka bulshada indhaheeda ah.
Dhanka kalena, Maxamed Ibraahim Bilaal oo ah Guddoomiyaha Golaha Shaqada Islaamka Soomaaliyeed ayaa ku taliyay in la sameeyo guddi mideysan oo soo baara dadkii ka dambeeyay dilka Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik Saciid Axmed Tahliil Axmed, wuxuuna sheegay in aysan ahayn wax la yareysan karo in maalin walba la dilo qof bulshada dhexdeeda qiimo ku leh.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia