Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo wada hadallo ka bilaabay Xarunta Villa Somalia

Cabirka Farta

Sabti, February 07, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa wuxuu wada hadallo ka bilaabay xarunta Villa Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal kooban saxaafadda ku siiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in uu Muqdisho u yimid in ay wada hadallo la furaan Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, iyo Xoogagga wax iska caabinta ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa haatan ka socda kulamo uu madaxweynaha la leeyahay Maamulka Gudaha ee Maxkamadaha Islaamka,  iyadoo sidoo kalena la filayo in uu madaxweynaha kulan la qaato Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Muqdisho.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo laga sugayo in uu soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumaddiisa, kaasi oo isna soo dhisi doona gole wasiirro ah oo awood u leh in ay wax ka qabtaan dhibaatada uu dalka Soomaaliya ku jiro.

Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo si weyn u soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxay dhowrayaan waxyaabaha ay la imaan doonto dowladda cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay jiraan kooxo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia