DR. CUMAR IIMAAN ABUU BAKAR: “Waxba ma kala duwana Dowladdii hore iyo tan hadda la soo dhisay, dagaalkana waa sii soconaa”

Cabirka Farta

Sabti, February 07, 2009(HOL): Guddoomiyaha Xisbul Islaam, ahna Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka garabka Asmara Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar ayaa sheegay in aaney jirin wax ay ku kala duwan yihiin dowladdii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed iyo tan uu Madaxweynaha ka yahay  Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Dr. Cumar Iimaan waxaa uu sheegay in waxa ay u arkayaan dowladda cusub ay tahay sida uu u yiri in la soo dhoo-dhoobay dowladdii hore ee TFG-da, “Waxaad la socotaan dhibaatadii ay Dowladdaas u geysatay shacabka Soomaaliyeed, hadana iyadii ayaa la idiin soo dhoodhoobay”ayuu yiri  Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar.

Waxaa uu ka hadlay Dr. Cumar dadka caleemaha qoyan ku soo dhaweeyay ee u riyaaqay Dowladda uu madaxda ka yahay Shiikh Shariif, wuxuuna sheegay in ay dadkaas yihiin kuwo wax-ma-garad ah, “Ciidamadii Amxaarada ahaa ee dalka kus oo duulayba dad ayaa soo dhaweynayay oo caleemo qoyan u ruxayay”ayuu yiri Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar.

Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar ayaa waxaa dhawaan loo doortay Guddoomiyenimada Xisbi la magac baxay Xisbul-Islaam, kaasi  oo ay ku mideysan yihiin Kooxaha Islaamiyiinta ah ee kala ah Maxkamadaha Islaamka garabka Asmara, Dugsiga Raas-kambooni, Jabhul Islaamiya iyo Dugsiga Caanoole.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia