
Madaxweynaha Liibiya (Bidix) oo salaamaya wufuud intii lagu guda jiray shirkii 12aad ee Midowga Afrika ee lagu qabtay Magaalada Addis Ababa-February 2, 2009. Sawirka:/REUTERS
Axad, February 08, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Liibiya oo haatan Guddoomiyaha Midowga Afrika Col. Mucamar Al-Qadaafi ayaa difaacay kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida ah ee Xeebaha Soomaalida Maraakiibta iyo Doomaha ka qafaasha.
Madaxweyne Qadaafi waxaa uu sheegay in Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida ay yihiin kuwo Xeebaha Soomaaliya ka difaacaya sida uu hadalka u dhigay Wadamada Reer Galbadeedka ee hunguriga weyn.
Col. Qadaafi oo ku labisnaa Shaati midabeysan oo lagu qurxiyay qaar ka mid ah aas-aasayaashii Midowga Afrika oo aan ka xusi karno Tanzanian Julius Nyerere, Ethiopian Haile Selassie, Kenyan Jomo Kenyatta, iyo Ghanaian Kwame Nkrumah ayaa sheegay in aysan dembilayaal ahayan kooxaha burcad badeedka Soomaalida.
“Waxay jawaab u tahay hunguri-weynayaasha dalalka reer galbeedka, kuwaasi oo si sharci darro ah ku soo galay Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Mucamar Al-Qadaafi oo intaas ku daray in kooxaha burcad badeedka ay difaacayaan sida uu u yiri Cuntada Caruurta Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo sheegay in wadamada sharci darrada ku galay biyaha Soomaaliya ay ku xad-gudbeen sharciga caalamiga ah.
Madaxweynaha Liibiya waxaa uu sheegay in Dalal ka socda Midowga Yurub, Mareykanka iyo Shiinaha ay ugu xad-gudbeen biyaha Soomaaliya iyadoo aaney Dalalka Afrika lahayn difaac xooggan oo casri ah oo dib ugu riixa.
Hadalka uu sii daayay madaxweynaha Liibiya, ahna Guddoomiyaha xiligan ee Midowga Afrika ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay Xeebaha Soomaaliya ku sugan yihiin Ciidamo iyo MAraakiib dagaal oo Caalamka ka socda, kuwaasi oo sheega in ay Xeebaha Soomaaliya ku joogaan howlgal loogu magic-daray Atalanta kaasi oo uu ogolaaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia