Muhaajiriin u badan Soomaali oo la badbaadiyay in ay ku geeriyoodaan Badda Mediterranean -ka

Cabirka Farta


Ciidamada Malta oo badbaadinaya Muhaajiriinta/Sawirka: Mark Tabone/AFM Maritime Squadron.


Jimco, February 06, 2009(HOL): Doon ay saaran yihiin 115 muhaajiriin ah oo u badan Somaaliya ayaa gaaray shalay maqribtii Jasiiradda Malta, iyagoo saarnaa doon nooca kalluumeysiga ah oo dhererkeedu yahay 40 mitir.

Doontan ayaa waxaa arkay ciidamada ilaalada Talyaaniga, kuwaasi oo ku wargeliyay Ciidamada Malta in ay ku soo dhowdahay Doon ay saaran yihiin dad muhaajiriin ah, kadibna waxaa si deg deg ah loogu diray Diyaarado Helicopter ah iyo gaadiid kale oo lagu soo daad-gureeyay dadkaas Muhaajiriinta ah.

Muhaajiriintan oo ay ka mid ahaayeen 15 Caruur ah iyo 30 haween ayaa badankood waxay ahaayeen Soomaali, inkastoo ay la socdeen 7 ruux oo kale oo u dhashay dalka Morocco. Soomaali badan oo ka cararay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxay ku sii qul-qulayaan dalalka Talyaaniga iyo Malta, iyagoo doomo yar yar ka raaca Xeebaha Dalka Liibiya.

Waxaa jiray Soomaali badan oo ku dhintay Badda Mediterranean-ka, kuwaasi oo ay la qalibmeen doomankii ay la socdeen. Dadkaasi ayaa waxay doonayeen in ay helaan nolol ka wanaagsan tii ay Soomaalida uga carareen balse waxay noloshooda soo af-jarantay intii aysan gaarin meelihii ay u socdeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia