Ururka Suxufiyiinta Dibad-joogga ah ee magaalada Nairobi oo cambaareeyay dilka Agaasimahii Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho Saciid Tahliil Axmed

Cabirka Farta


Jimco, February 06, 2009(HOL): Guddiga wariyayaasha Soomaaliyeed ee dibad-joogga ah ayaa si weyn u cambaareeyay dilkii loo geystay agaasimihii idacadda Horn Afrik Saciid Tahliil Axmed oo lagu diley Magaalada Muqdisho.
 
Wariyayaasha  isugu yimid kulankan ayaa waxaa ka muuqaneysay murugo aad u xooggan oo iyagoo laga dareemayay sida ay uga  xun yihiin dilka loogeystay Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho Saciid Tahliil Axmed .
 
Dhinaca kale Ururka Suxufiyiinta dibad joogga ah ayaa waxay sheegeen in dilalka isa soo taraya ay yihiin kuwo in badan oo ka tirsan Suxufiyiinta ku ridi kara baqdin ugu danbeytii sababta in qaarkood farahaba ka laabtaan howlaha ay u hayaan Bulsho weynta Soomaaliyeed, iyadoo Ururku baaq u diray Dowladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed si markaas isha loogu hayo xaaladda ay ku sugan yihiin Suxufiyiinta ka howlgasha gudaha Dalka Soomaaliya..

Allaha u naxariistee Saciid Tahliil ayaa waqtigii la dilayay isaga iyo Agaasimayaal kale oo ka mid ah Idaacadaha Muqdisho waxay ku sii jeedeen meel ay Ururka Alshabaab ka waceen oo la filayay inay ku kulmaan Agaasimayaasha Idaacadaha iyo Saraakiisha Alshabaab.

Suxufiyiinta ayaa si wada jir ah Tacsi ugu diray Dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo waliba Eheladda Alle ha u Naxariisteen Saciid Tahliil Axmed oo ahaa shaqsi u taagan mihnadiisa shaqo, waxaana uu lee yahay Ururku Alle ha u Naxariisto Saciid Tahliil Qoyskiisiina Samir iyo Iimaan Alle ha ka siiyo.




Cabdiraxmaan Diiriye Nuur, Hiraan Online
[email protected]
Nairobi Kenya