![]() |
| Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiiikh Axmed |
“Haddii mushkilo jirto in laga wada hadlo ayaa haboon, waana soo dhaweyneynaa, haddii mas’alo diini ah oo annaga aan ku qaldan nahay ay jirtana waxaan diyaar u nahay in aan ka wada hadalno, haddii dan loo arkana ay na dhexdhexaadiyaan culumaa’udiinka caalamiga ah ee ku baaqay in ay xal u helaan khilaafaadyada ka jira Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu ugu baaqay culumaa’udiinka hubka sida in ay hubkooda ka dhigaan mid nabadda lagu sugo, isla markaana aysan ku baaqin dagaallo kale oo dhiig ku daato, “waxa aad ku baaqeysiin ha naqdaano nabad, ha naqdaano midnimo, marxaladda maanta lagu jirana ma ahan mid dagaal lagu baaqo, welibana ma ahan wax laga sugayo dad culumo ah in ay dagaal ku baaqaan”ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo rajeeyay in arrintaas guddi loo saari doono, lana guda geli doono.
Intaas kadib waxaa uu madaxweynaha cusub shaaciyay in uu maalmaha soo socda soo magacaabi doono Ra’iisal Wasaaraha Xukuumaddiisa, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu ra’iisal Wasaarahaas noqon doono mid karti leh oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed dhibaatada ka saari kara.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaa uu ka hadlay dilkii loo geystay dorraad Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik Saciid Tahliil Axmed, wuxuuna sheegay in uu aad uga xun yahay in qof loo dilo cid fikirkeeda dhiibatay oo uu fursad siiyay iyo in qof fikirkiisa loo dilo, wuxuuna tacsi u diray, qoyskii, ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuum Saciid Tahliil Axmed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
