Jimco, February 27, 2009(HOL): Maamulka Degmada Boosaaso ayaa ka digay markii ugu horeysay af-duub loo geysto dadka ajaanibta ah ee imaanaya gudaha magaalada Boosaaso .
Duqa Degmada C/risaaq Xareed oo shir aysan saxaafadu ka qaybgalin badankeed ku qabtay guriga degmada ayaa sheegay in maamulka uu suxul duub u galayo sidii uu uga hortagi lahaa af-duubyo ka dhaca magaalada Boosaaso
C/risaaq Xareed oo la weydiiyay in madax farasho laga bixiyay nin ajnabi ah oo maalmo ka hor laga soo furtay kooxo burcad ah ayaa sheegay in ninkaasi lagu soo sii daayay dadaallo ay sameeyeen odayaasha deegaanka.
“Waxaa rajaynayaa in maxkamad la soo taago dadkii afduubka gaystay marki hore”ayuu wariyayaasha ugu sheegay gudaha degmada. Sidoo kale Duqa Degmada Boosaaso C/risaaq Xareed ayaa ajaaniibta imaaneysa Boosaaso uga digay in amar la’aan ay shaqooyinkooda guda galaan, isagoo arintaasi ku macneeyay cabsi laga qabo dadka wax af-duubka oo aad u soo batay.
Ugu dambayntii Duqa Degmada Boosaaso ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la af-duubto dad oo aan waxba geysan, waxaana uu ku baaqay in dhalinyarada arimahaasi caadeysatay ay ka waantoobaan.
Faysal Maxamed Xasan, Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somalia