Jimco, February 27, 2009(HOL): Abuu-Muusa Al-Ashcari (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (Qof wanaagsan ood la fariisato iyo qof xun ood la fariisataa waxay ka dhigan yihiin sida qof catar sita iyo qof kiir[1] afuufaya. Catar situhu ama wuu kuu hibeeyaa ama waad ka iibsataa, amaba udgoon baad kala tagtaa, kiir afuufuhuse ama dharkuu kaa gubaa ama ur baad kala tagtaa)[2].
(Ha i oran isheeg laakiin saaxiibkaa ii sheeg aniga ayaa waxa aad tahay sheegayee), waa oraah carbeed oo loola jeedo in qofka hadba qiimaha saaxiibkiis lagu qiimeeyo. Soomaalidu iyana waxay tiraahdaa: (Saaxiibkaa kuma caddeeyo kumana madoobeeyo ee siduu yahay uun buu kaa dhigaa). Waxa kalooy tiraahdaa: (Shimbirba shimbirkiisuu la duulaa).
Haddaba akhristoow waa in aad doorataa saaxiib mu'min ah, suubban, Allena ka baqaya, maxaa yeelay saaxiibku raad weyn buu ku yeeshaa toosnaanta iyo akhlaaq wanaagga qofka la saaxiibaya.
Bal aynu akhrinno barbaariyeheennii koowaad, Suubbane Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) isagoo muslimiinta kula dardaarmaya inay saaxiibbo wan-wanaagsan doortaan.
Abuu-Saciid Al-Khudri (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Qof mu'min ah mooyee qof kale ha la saaxiibin, qof Alle ka baqa mooyee qof kalena yaanu raashinkaaga cunin)[3].
Abuu-Hurayra (RC) isna wuxuu ka weriyay: (Qofku saaxiibkiis buu ku diin yahaye qof walba oo idinka mid ahi ha eego qofka uu la saaxiibayo)[4].
Xuquuqda uu saaxiibku saaxiibkiis ku leeyahay, haddaynu kuwa ugu mudan kasoo qaadanno waa sidatan:
1- Hadduu kahor yimaado inuu salaamo:
Abuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Allahay naftaydu gacantiisa ku jirto baan ku dhaartaye Janno geli maysaan jeer aad mu'miniin noqotaan, mu'miniinna noqon maysaan jeer aad is-jeclaataan, war hooya wax haddaad samaysaan aad is-jeclaanaysaan ma idin tusiyaa?. Salaanta iska qaada)[5].
Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) waxa laga weriyay inu yiri: Nin baa Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) su'aalay: Islaannimo tee ugu wanaagsan?. Markaas buu ku yiri: (Raashinka dadka sii, qofkaad taqaan iyo kaadan aqoonna salaan)[6].
Abuu-Dar (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Wanaag ha yaraysan walaalkaa ood weji furan ku qaabishaba ha ahaadee)[7].
2- Hadduu bukado inuu booqdo:
Abuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay in Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) uu yiri: (Xuquuqda muslinku muslinka kale ku leeyahay waa shan: salaanta oo la naqo, bukaanka oo la booqdo, janaasada oo la raaco, casuumada oo la aqbalo iyo qofka hindhisa oo laga farxiyo[8])[9].
Werin kale: (Xuquuqda muslinku muslinka kale ku leeyahay waa lix). Waxa la yiri: Waa maxay Rasuul Alloow?. Wuxuu yiri: (Haddaad la kulanto salaan, hadduu kuu yeero “ku casuumo” ka yeel, hadduu talo ku weydiisto la tali, hadduu hindhiso ka farxi, hadduu bukado booqo, hadduu dhintana janaasadiisa raac)[10].
3- Hadduu hindhiso inuu ka farxiyo:
Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Qofkiin hadduu hindhiso ha yiraahdo: Alxamdu lil-Laah "Ilaah baa mahad leh", walaalkiis ama saaxiibkiisna markaas ha yiraahdo: yarxamukal-Laah "Alle ha kuu naxariisto". Hadduu: yarxamukal-Laahu yiraahdana ha yiraahdo: yahdiyakumul-Laahu wa yuslixu baalakum "Alle ha idin hanuuniyo qalbigana ha idiin hagaajiyo")[11].
4- Alle dartiis inuu u booqdo:
Abuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay in Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) uu yiri: (Qofkii qof buka booqda ama qof Alle dartiis walaal ugu ah booqda haatuf baa u dhawaaqa dhahaya: Jir, socodkaana ha jiro, Jannadana boos ka joog)[12].
Waxa kaloo laga weriyay in Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) uu yiri: (Nin baa nin ay Alle dartii ku walaaloobeen oo magaalo kale deggan booqday. Eebbe ayaa markaas malag waddadii uu magaalada ka gelayay u joojiyay. Markuu ku yimid buu wuxuu ku yiri: Xaggeed doonaysaa?. Wuxu yiri: Waxan doonayaa walaalkay magaaladaan deggan. Wuxuu yiri: Ma abaal aad u gashay ood ka gudaysaa jira?. Wuxuu yiri: Maya, laakiin Allaha sarreeya dartiis baan ku jeclaaday. Wuxuu "malaggii" yiri: Waxaan ahay farriin side Alle kuusoo diray oo kaaga sida "farriin ah": Eebbe wuxuu kugu jecelyahay sida aad adba dartiis ugu jeclaatay)[13].
5- Kolkuu duruufaysan yahay inuu garab istaago:
Ibnu Cumar (RC) waxa laga weriyay Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inuu yiri: (Muslinku waa muslinka kale walaalkiis oo ma dulmiyo mana gacan geliyo, qofkii danta walaalkiis guda Eebbe ayaa dantiisa guda, qofkii muslin dhib haysta ka qaadana dhibaatooyinka qiyaamaha dhib kamid ah ayuu Eebbe ka qaadaa, muslin qofkii asturana Eebbe ayaa maalinta qiyaamo astura)[14].
6- Hadduu Casuumo inuu ka aqbalo:
Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Xuquuqda muslinku muslinka kale ku leeyahay waa shan: salaanta oo la naqo, bukaanka oo la booqdo, janaasada oo la raaco, casuumada oo la aqbalo iyo qofka hindhisa oo laga farxiyo)[15].
7- Munaasabadaha farxadda leh inuu u hambalyeeyo:
Xadiith saxiix ah waxa lagu weriyay in Dhalxa (RC) uu Kacab ibnu Maalik (RC) u istaagay si uu tawbadiisii uu Alle ka aqbalay ugu hambalyeeyo[16].
[1] Kiir: Maqaarka ay bir-tumeyaashu dabka ku afuufaan say birta ugu jilciyaan.
[2] Bukhaari (2101, 5534), Muslim (2628).
[3] Abuu-Daa'uud (4832), Tirmidi (2395).
[4] Abuu-Da'uud (4833), Tirmidi (2378), Xaakim (7319).
[5] Muslim (5493).
[6] Bukhaari (6236), Muslim (39).
[7] Muslim (2626).
[8] Qofka hindhisa oo laga farxiyo: kolka uu hindhiso Yarxamukal-Laah la yiraahdo.
[9] Bukhaari (1240), Muslim (2162/4).
[10] Muslim (2162/5).
[11] Bukhaari (6224).
[12] Tirmidi (2008), Ibnu-Maaja (1443), Albaani (Saxiixul-Jaamic: 6264).
[13] Muslim (2567/38), Axmed (7906), Ibnu-Xibbaan (571).
[14] Bukhaari (2442), Muslim (2580).
[15] Bukhaari (1240), Muslim (2162/4).
[16] Bukhaari (4418), Muslim (2769).
Sabriye M. Musse
1865 Northway Dr. #21
North Mankato, MN 56003
U.S.A.
Email: [email protected]
Email: [email protected]