Jimco, February 27, 2009(HOL): Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa sheegay in ay meel wanaagsan u marayaan dadaallo ay ku joojinayaan dagaallo maalmihii aynu ka soo gudubnay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Dhaqan ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in ay la kulmeen mas’uuliyiinta Xisbul Islaam oo qeyb ka ahaa dagaalladii dhacay, sidoo kalena ay xiriirro la sameeyeen Mas’uuliyiinta Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.
“Mas’uuliyiinta Xisbul Islaam ee aan la kulannay wey naga aqbaleen in ay dagaalka joojiyaan, wada hadallo kalena waa noogu harsan yihiin. Dhinaca Dowladdana xiriirro ayaan la sameynay iyana wey naga ogolaadeen in aan dagaal wax lagu xalin”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.
Afhayeenka Dhaqanka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali waxaa uu intaas ku daray in ay nasiib darro tahay in iyadoo dadkii Muqdisho ka barakacay ay dib ugu soo noqonayeen ay dib u bilowdaan dagaallo hor leh, wuxuuse caddeeyay in ay dadaal xoog leh u geli doonaan sidii ay u baajin lahaayeen dagaallo kale oo dhaca.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waxgarad, Odayaal, Culumaa’udiin iyo Aqoonyahanno ku sugan dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddiisa ayaa tan iyo markii ay dagaallada dib uga bilowdeen Magaalada Muqdisho waxay soo saarayeen baaqyo ay ku dalbanayaan in dagaalka la joojiyo, isla markaana waxyaabaha la isku hayo laga wada hadlo, iyadoo baaqyadaasna ay u muuqdaan kuwo aan loo hoggaansamin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia