Jimco, February 27, 2009(HOL): Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa warbixin ka soo saaray dagallo khasaare geystay oo muddo seddex maalmood ah oo aan ka soo gudubnay ka dhacayay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Jen. Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal oo ka mid ah Saraakiisha Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in warbixinno hordhac ah oo ay ka heleen khasaaraha dagaalka ka soo gaaray dadka rayidka uu dhan yahay 42 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawac gaaraya 125 ruux.
“Dhinaceena Boolis ahaan waxaa dagaalka nooga dhimatay 8 Askari, dhowr iyo toban Askari oo kalena waa ay nooga dhaawacmeen”ayuu yiri Jen. Dhuumaal oo mas’uuliyadda khasaaraha dagaalkaas ka dhashay dusha u saaray dhinacii dagaalka kala soo horjeeday.
Jen. Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo sii hadlayay waxaa uu beeniyay in dagaalkaas uu dhacay kadib markii ay is-ballaarin sameeyeen Ciidamadooda, wuxuuna sheegay in warkaas uu yahay mid aan sax ahayn.
“Annaga in aan is-ballaarinayo iska daaye waxaa jira Saldhigyo Boolis oo Muqdisho ku yaala oo aanan ka talin, waxaana ka mid ah Dharkeenley, Hodan, Howl-Wadaag, Wardhiigley, Yaaqshiid, Huriwaa iyo Dayniile, hadana umana soconno in aan qabsanno, waayo waxaan diideynaa in ay iska hor-imaadyo dhibaato keena dhacaan”ayuu yiri Jen. Dhuumaal oo sheegay in Ciidamadii Saldhigyadaas ku sugnaa ay ku xareeyeen Dugsiga Booliska ee Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntiina, dagaalkii seddexda maalmood ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxay ahaayeen kuwii ugu cuslaa oo dhacay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamadii Itoobiyaanka ka baxeen Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia