|
|
| Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka Qaranka-Cabdalla Boos Axmed |
Guddoomiyaha Guddigaas Cabdalla Boos Axmed ayaa sheegay in rag hubeysan oo ay Isbaarooyinkaas u yaalliin ay siiyeen muddo 48 saac ah oo ay isbaarooyinkaas uga tegayaan, isagoo xusay in xiligaas wixii ka dambeeyay ay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii ay ku helaan iyadoo dariiq taagan oo lacag sharci darro ah dadka iyo gaadiidka ka qaadeysa.
“Waxaan u sheegeynaa Wiilasha waddooyinka taagan ee hubeysan in ay mudadaas ka hor ay isaga tagaan meelaha ay joogaan, haddii ay ka tegi waayaanna tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa”ayuu yiri Cabdalla Boos Axmed oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga ee ugu dambeeyay ee Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Cabdalla Boos Axmed waxaa uu dhanka kale sheegay in ay 16ka Saldhig-Boolis ee ku yaala Gobolka Banaadir ay geyn doonaan Ciidamo Boolis ah oo shax leh, wuxuuna dadweynaha Soomaaliyeed ka codsaday in ay ciidamadaas soo dhaweeyaan, lana shaqeeyaan.
Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka Qaranka Cabdalla Boos Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo magaalada Muqdisho ay weli ku jirto marxalad kala guur ah oo aan ammaan iyo ammaan darro dhinacna raacsaneyn, waxaana taasi ugu wacan iyadoo aanan weli la isku darin Ciidamadii TFG-da iyo kuwii dagaalka kala soo horjeeday ee dhinaca Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo lagu arkayo meelo kala duwan oo Muqdisho ka mid ah iyagoo kala hoggaan ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
