Baarlamaanka Soomaaliya oo ka jawaabay cabashooyin ka yimid Bulshada Rayidka Soomaaliyeed

Cabirka Farta

Isniin,  February 16, 2009(HOL): Shalay waxaa soo baxayay cabashooyin ka imaanayay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka cabanayay in wax ka bedel la doonayo in lagu sameeyo liis ay ku soo qorteen Xildhibaanno uga qeybgeli doona Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Maxamudu Nuur Gacal oo ka tirsan Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Djibouti ayaa wuxuu sheegay in haddii wax ka bedel lagu sameeyo liiska ay gudubsadeen ay mas’uuliyadda arrintaas qaadan doonaan madaxda sare ee Dowladda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii aan cabashadooda wax laga qaban ay Xubnaha Bulshada Rayidka war cad ka soo saari doonaan kadib marka ay shirar isugu laabtaan.

Haddaba waxaa cabashadaas ka jawaabay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa, wuxuuna sheegay in aaney jirin xuquuq ay leeyihiin Bulshada Rayidka oo la duudsiinayo, wuxuuse sheegay in kaliya lagu yiri qaabka aad xildhibaannada u qeybsateen soo waafajiya qaab qeybsiga afar beelood iyo bar (4.5 formula).

Prof. Dalxa oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu intaas ku daray in Xubnaha Bulshada Rayidka ay doonayaan in qaab NGO ah ay wax u qeybsadaan, taasina ay ka hor-imaaneyso isu dheeli-tirka Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu soo xulay qaabka 4.5.

“Wax kale oo la isku hayo ma jiraan, kaliya waxaa laga rabaa Bulshada Rayidka in ay si cadaalad ah u soo qeybsadaan xubnaha la siiyay kadibna ay u soo gudbiyaan Baarlamaanka si xubnahooda loo dhaariyo”ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

Xubnaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa Baarlamaanka Soomaaliya laga siiyay 75 Mudane, kuwaasi oo uu siiyay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, waxaana muuqata in iyadoo qeybihii siyaasiyiinta iyo Jabhadaha ay wax qeybsadeen ay haatan wax qeybsan la’ yihiin Ururrada Bulshada Rayidka oo la sheego in ay  u badan yihiin Dad Aqoonyahanno ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia