Isniin, February 16, 2009(HOL): Markii ay bur burtay Dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya waxaa meesha ka baxay Xarumihii Waxabarashada hadii ay ahaan la haayeen Dugsiyadii Hoose Dhexe iyo Sare, Machadyadii iyo waliba Jaamacadihii dalka ee ku dhisnaa nidaamkii Dowlada, taasoo keentay in dhaliyaro badan oo Soomaaliyeed u hayaamaan dalka Dibadiisa si ay u raadsadaan Waxbarasho ku filan.
Laakiin bur burkaasi ku dhacay adeegii Waxabarashada ma'ahayn mid sii socda oo Sanadihii ugu danbeeyay Gobaladda dalka Soomaaliya qaarkood waxaa ka abuurmay Abaabul dib loogu soo nooleynayo Xarumihii Waxbarashada ilaa meelaha qaar laga hergaliyo Jaamacadu u dhigma kuwa ka furan Dalalka Bariga Afrika.
Goballka Hiiraan oo ka mid ah oo Goballada dalka Soomaaliya ee laga wado Abaabulka
dib loogu soo nooleynayo adeegii Waxbarashada ayaa hadda waxaa ka socda dhismaha Jaamacadii ugu horeysay ee uu Goballku yeesho kadib markii ay sidaa ku fakareen Bulsho weynta reer Hiiraan ee ku dhaqan gudaha iyo dibada dalka.
Jaamacada oo laga dhisayo duleedka Magaalada Beledweyne waa mid ku fadhisa dhul aad u balaaran, waxaana mar HOL booqatay ay kula kulantay gudaha Jaamacada (Hiran Universate) Ibaarahim Cali Saney oo ah Wakiilka Jaamacada xili ku mashquulsanaa dhismaha qeyb ka mid ah Jaamacada.
Wakiilku waxaa uu HOL u sheegay qarashka Dhismaha cusub ee hadda socda in uu ku deeqay Ururka Hiran Devepomente Agency ee fadhigiisu yahay Magaalada Ottawa ee dalka Canada, waxaana uu intaa ku daray in Ururkaasi uu ku deeqay lacag dhan ( $ 2400 )
oo wax weyn ka tari karta in qeyb ahaan horay loogu sii wado dhismaha Jaamacada.
Waxaana uu si gaar ah ugu mahad celiyay Ibraahim Cali Saney Mas'uuliyiinta Ururka Hiran Development Agency oo sida uu sheegay lacagtan ku soo beegay xili siweyn loogu baahnaa.
Marka aad dusha sare ka eegto Jaamacada waa mid aad u qurux badan, baaxad leh, kuna taala dhul wax xoogaa joogiisu sareeyo, waxaana ay ka kooban tahay sida uu HOL u sheegay Wakiilka Jaamacada (Hiran Universate) qeybaha kala ah.
1. Qeybata Maamulka oo ka kooban 5-Qol.
2. Qeyb loogu tala galay in ay farsiistaan dadka Jaamacad soo booqda.
3. Qeybta Shaqaalaha Jaamacada.
4. Qeyb loogu tala galay shirirka.
5. Fasalada Ardeyda oo ka kooban 6- Qol oo kiiba yahay 7.5-mt.
7. Dhisme gaar ah oo loogu tala galay in lagu barto Computerada.
8. Miktabad la dhigo buugaagta Aqriska.
9. Iyo qeyb-gaar ah oo la dhigo Matoorka dibka siinaya Jaamacada.
Deeqda lacageed ee Hiran Developmente Agency ayaa waxaa la oran karaa waxaa ay qeyb ka tahay deeq kooba oo soo gaartay Jaamacada tan iyo markii dhismaheeda la bilaabay Bishii Marso ee Sanadkii 2008, waxaana sida uu sheegay Ibraahim Cali Saney hadda socda in la daboolo Saqafka sare ee Jaamacada.
Dhab ahaan haddii la dhameystiro dhismaha Jaamacada Hiran Universate waxaa hubaal ah in ay meesha ka bixi doonto baahada Ardey badan u qabaan in ay helaan Waxbarasho ilaa heer Jaamacadeed ah, waxaana marka ay soo dhameystaan Ardeyda Goballka Hiiraan Dugsiyada Sare intooda badan Jaamacadu u aadaan Magaalada Muqdisho iyo waliba dalalka Carabka qaarkood, inkastoo ay jiraan Arday badan oo aan awood u laheyn in ay meel ka baxsan Goballka u raadiyaan Waxbarasho ilaa heer Jaamacadeed ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]
Beledweyn, Somalia