Isniin, February 16, 2009(HOL): Mooshin lagu doonayay in Xika lagaga qaado Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaan hirgelin oo dhicisoobay ka dib markii inkasta oo ay ballan qaadeen Mudanayaashii waday Mooshinkani in ay keeni doonaan, haddana ay dib ula laabteen.
Kalfadhi maanta Golaha Guurtidu isugu yimi ayaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan uu Madaxtooyada ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Mooshinkan la damacsanaa in lagu rido, waxaanu ku baaqay in Doorashada Madaxtooyada waqtigeeda la qabto. Isaga oo aad u dhaliilay Mudanayaashii Mooshinkan soo abaabulay. Hase ahaatee, xubno ka mid ah Xildhibaannadii Mooshinkan waday oo halkaa ka hadhay ayaa sheegay in ay Golaha horkeeni doonaan Mooshinkan, balse maanta ma jirin Mooshin Golaha la hor keeno.
Golayaasha kala duwan ee Somaliland oo ay hormood ka ahaayeen Axsaabta Mucaaradka ah, gaar ahaan Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa hore si baʼan uga digay khatar ka dhalan karta haddiiba laysku dayo in Xilka Guddoomiyenimo laga qaado Guddoomiyaha Golaha Guurtida.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland