Arbaco, February 11, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in uu xalay halkaas ka dhacay dagaal dhexmaray Xoogag ka amar qaata dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Maleeshiyooyin deegaanka ah.
Dagaalka oo dhacay xalay 2-dii habeennimo ayaa wuxuu geystay dhimashada seddex ruux iyo dhaawaca labo ruux oo kale oo dhinacyadii dagaallamay ah, wuxuuna dagaalka qarxay kadib markii ay maleeshiyooyinka deegaanka weerareen fariisimo ay ku sugnaayeen xoogagga Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa wuxuu sababay in ay deegaanka Masagawaa ka bara-kacaan dad badan, kuwaasi oo u adkeysan waayay hubka ay isu adeegsanayaan dhinacyada dagaallamaya, waxayna haatan dadkaasi ku sugan yihiin duleedyada deegaanka Masagawaa.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray deegaankaasna waxay sheegayaan in ay jirto cabsi ku saabsan in uu mar kale dagaal ka dhex dhaco dhinacyada dagaallamay oo uu dagaalkooda salka ku hayo ciddii gacanta ku heyn lahayd deegaanka Masagawaa.
Dagaalkan xalay ka dhacay Deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horay ay dagaallo uga dhaceen Deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud oo ay ka mid yihiin Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa-mareeb, kuwaasi oo u dhaxeeyay Xoogag kala taabacsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia