Macallin Geelle Tababaraha Xulka Qaranka oo ka dhex muuqda Ciyaartoyda
Arbaco, February 11, 2009(HOL): Seminaarkaan ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar oo ahaa mid ay soo qabanqaabiyeen Hay'ada Qaramada Midoobay ee Unicef, Global Sports Fund iyo Guddiga Olympicada Qadar oo iskaashaday iyadoo lagu baranayay isdhexgalka Bulshada, wacyegilinta qatarta daroogada iyo sidoo xoogga loo saari lahaa Sportiga loona dhiirigelin lahaa dhalinyarada Juunyarka ayaa waxaa ka qeybgalay 15 dowladood waxaana sida uu sheegay Cabdi Faarax Cali (Macalin Geelle) ay casuumaad ka heleen Olombikada Qadar waxaana Somalia ugu qeybgalay 10 cayaartooy oo iskugu jiray 6 kubadda cagta ah 4 cayaaryahan oo volleyballka ah iyo laba tababare oo kasoo ambabaxay magaalada Muqdisho todobaadkii hore.
Seminaarkaan ayaa sidoo kale waxaa barbar socday tartan ay iyo qiimeeyn loo sameeyay ciyaaryahanada kasoo qeybgalay waxaana xusid mudan Cayaartooydii ka socday dalkeena hooyo inay muujiyeen cayaar wanaag aad u wanaagsan iyo asluub iyadoo uu ku guuleystay gool hayaha Qaranka Soomaaliyed Abuukar Suudi Cayaryankankii ugu wanaagsanaa Tartanka dhinaca Kubada cagta iyadoo la gudoonsiiyay bilad iyo abaalmarin aad u qiimo badan oo usoo hooyay Qaranka Somalia waxaana lagu tilmaamay inay tahay mid layaab ku noqotay ciyaartoydii kasoo qeybsgahay ee kula tartamayay Abuukar suudi inay noqdaan laacibka tartanka balse uu finalka dhibcaha kaga qaatay Ciyaaryahan u dhashay dalka Marocco.
Laacibiintii ka qeybgashay ee Qaranka Soomaaliya dhanka kubada cagta ayaa waxa laga xusi karaa Ciyaaryahan Salaaxudiin, Shabeelow iyo Nuurdeeq oo dhamaan ka mid ahaa qarankii Haatan kasoo cayaaray Bariga iyo Bartamaha Africa. kuna xareysnaa dalkaasi jabuuti kuwaasoo wacdaro kasoo muujiyay tartankaasi.
Intii uu socday Tartanka ayaa waxyaabaha aadka loola dhacsanaa ayaa waxaa ka mid ahaa in Gabar Soomaaliyed laguna magacaabo layla oo ka mid aheed ciyaartooydii ka timid dalka ay Noqotay Garsoore ama aalbiitre qabatay ciyaar iyadoo kana qeybsgalesay seminaarkan waxeyna sheegtay mar aanu kula kulanay xarunta Naadiga Olombikada Masar inay soo bandhigeyso Geesinamada iyo Awooda haweenka Soomaaliyeed ee dhanka sportiga iyadoo waqtiyadan dambe uu xiriirka kubadda cagta aduunka FIFA u ogolaaday gabdhaha inay qabtaan ama dhexdhexaadiyaan cayaaraha taasina ay tahay fursad muhiim ah waxeyna ku boorisay gabdhaha Soomaaliyeed inay ka faa'ideystaan.
Dhanka kale waxaa kaalin sareysa ka galay tartanka lana xusay cayaaryahanadii Volleyballka ee Soomaliya oo ahaayeen kuwa markasi aad loo amaanay qaab ciyaareedkooda waxaana ay gabi ahaanba ciyaartoydu sheegeen inay ka faaideysteen tababarkaan oo ahaa mid ay ka heleen waayo aragnimo iyo isdhexgal ayna kor u qaadeen calankoodii Soomaaliyeed oo waayahan laga waysanaa garoomada caalamiga ah intooda badan waxeyna ciyaartooydan oo soo gabagabeystay tartankoodii iyo seminaarka usoo ambabaxeen magaalada Muqdisho isla maanta ayagoo xernaa jaakadahooda ay dusha kaga qorneed magaca Soomaalia.
Abuukar Suudi oo noqday ciyaaryahanka ugu wanagsan, Cabdillaahi Yare iyo Nuur Deeq
Kooxda iyo Taageerayaashooda
Otaha Qaranka Shabeelow, Garsoore Laylo iyo Salaaxuddiin
Abdullahi Muxudin (Abdul Arts)
[email protected]
Qaahira, Masar