Tababar loo furayo Ciidamada Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya

Cabirka Farta

Arbaco, February 11, 2009(HOL): Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen.Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in inta aysan dhamaanin bishan tababar loo furi doono ciidamada Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.
 
Jen. Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in ay mar hore bilaabatay xareynta ciidamada mileteriga dowladda, dhawaanna ay bilaaban doonto xareynta Ciidamada Booliska, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Ciidamadaas ka kala imaanayaan Dowladdii TFG-da iyo Xoogaggii ka soo horjeeday oo haatan ku wada midoobay Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.
 
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in Ciidamadaas marka uu tababarka u soo dhamaado ay wax weyn ka qaban doonaan ammaanka dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
 
Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa u qorsheysan in ay 10 kun oo Ciidamo Soomaaliyeed ah ay wax uga qabato arrimaha Soomaaliya, kuwaasi oo qaabeyntooda ay haatan gacanta ku hayaan guddiyo ammaanka qaabilsan oo ka tirsan Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa shalay isagoo warfidiyeenno kula hadlayay Xarunta Villa Somalia waxaa uu sheegay in gacanta lagu hayo qorshayaal wax looga qabanayo amni darrada ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, wuxuuna rajeeyay in si dhaqsi ah ay dadka Soomaaliyeed u dareemi doonaan amni iyo kala dambeyn.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia