Arbaco, February 11, 2009(HOL): Odayaasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidii ay u baajin lahaayeen dagaallo ka dhaca Deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool oo u dhaxeeya Xoogagga Al-Shabaab iyo Ciidamo ay wataan maamulkii Gobolka Bay iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Dadaalka ay Odayaashan wadaan ayaa wuxuu bilowday kadib markii 48kii saac ee la soo dhaafay laga dareemay deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool xiisad dagaal iyo abaabul dagaal oo ay labada dhinac ku jiraan.
Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Digil iyo Mirifle Malaaq Maxamed Yacquub ayaa sheegay in ay kulamo la yeesheen Mas’uuliyiinta Al-Shabaab ee ku sugan Magaalada Baydhabo, ayna ka codsadeen in aysan wax dagaal ah qaadin, dhinaca kale ee ku sugan Gobolka Bakool-na ay xiriir la sameyn doonaan.
Malaaq Yacquub waxaa uu sheegay in ay rajeynayaan in uusan wax dagaal ah dhicin, wuxuuna caddeeyay in ay Odayaal u dirayaan dhinaca Gobolka Bakool oo ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkii Gobolka Bay iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Dowladda ee ku sugan Gobolka Bakool ayaa mar sii horeysay oo ay hadleen waxay sheegeen in ay ku noqonayaan Gobolka Bay, ayna la wareegi doonaan gacan ku heynta Xaruntiisa Baydhabo oo ay kala wareegeen xoogagga Al-Shabaab.
Dhanka kalena, Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Deegaanka Dhiilo ee Gobolka Bakool oo uu shalay dagaal ka dhacayna waxay sheegayaan in xaaladda deegaankaas ay degan tahay, walow meelo aan isu dheereyn ay kala fadhiyaan dhinacyadii dagaallamay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia