Isniin, September 08, 2008(HOL): Saakay Waaberigii hore ayaa kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya waxaa ay weerar culus ku qaadeen fariisin Ciidamada Itoobiyaanku ku la haayeen Buundada-Liiqliiqato ee isku xirta Galbeedka iyo Bariga Magaalada Beledweyne.
Dhawaaqa Qoriga Baasuukaha iyo rasaas culus oo ay is-weydaarsanayeen dhinacyada iska soo horjeeda ayaa hurdada ka toosiyay inta badan shacabka ku dhaqan Magaalada Beledweyne, waxaana daqiiqado kadib u suurta gashay Ciidamada Itoobiyaanku in ay ka gudbaan Buundada-Liiqliiqato iyagoo isku fidiyay dhamaan xaafadaha Galbeedka Magaalada.
Sida uu HOL u sheegay qof rayid ah oo ku sugnaa Xaafadda Howl-wadaag Ciidamada Itoobiya ayaa toogasho ku dilay 3 Ruux oo rayid ah kuwaas oo xiligaas ka firxaday guriyihii ay ku jireen iyaga oo ka cabsi qaba waxyeello ka soo gaarta dagaalka, waxaana sidoo kale dagaalka saaka uu dhaawac culus ka soo gaaray qof Dumar ah oo waqtigaas ku sugneyd Xaafadda Nuur Xawaad oo si weyn uga durugsan goobta lagu dagaalamay.
Weerarka saaka ka dhacay Magaalada Beledweyne oo aan la ogeyn cidda ay ka tirsanaayeen kooxaha soo qaaday ayaa ku soo beegmay xili ay dib guryahooda ugu soo laabteen dadkii rayidka ahaa ee dhawaan ka barkacay Xaafadda Howl-wadaag ee Galbeedka Magaalada, kuwaasoo saaka mar kale dib u barakacaya.
Sikastaba arrintu ha ahaatee, Dadka Rayidka ah ee ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo maalmihii aynu soo dhaafnay ka nastay dhawaaqa rasaasta iyo dagaallada u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda ayaa dagaalka saakay ku macneeyay in dhawaaqii horay uga soo yeeray mas'uuliyiinta Midowga Maxkamadaha iyo kooxada Al-shabaab oo sheegay in ay laba jibaari doonaan dagaallada ay kula jiraan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia