Isniin, September 08, 2008(HOL): Taliska Hoggaanka hortagga Dembiyada ee Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in uu wax ka qabanayo dhibaatooyin laga sheeganayo Ciidamada Dowlada Federaalka, gaar ahaan kuwo lacag sharci darro ah ku qaata Waddooyinka Muqdisho laga soo galo iyo kuwa gudaheeda mara.
Taliyaha Taliska Hoggaanka Hor-tagga Dembiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Col. Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa sheegay inay soo gaareen cabashooyin ka imaanaya dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo darawallada kaxeysa gaadiidka BL-ka, kuwaasi oo ay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay ka qaadaan lacago aan sharci ahayn, mararka qaarkoodna ay baarasho u geystaan.
Col. Yuusuf Dhuumaal waxaa uu sheegay in meelaha lacagta sharci darrada ah lagu qaado ay kala yihiin Ex Koontarool Afgooye, halka lagu magacaabo Sar-kuusta oo ku taala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Km4, Isgoyska Dabka iyo Isgoyska Siinaay, wuxuuna sheegay in ay arrintaas tallaabo ka qaadi doonaan.
“Waxaan kulamo la yeelan doonnaa Saraakiisha Saldhigyada ku dhow meelaha laga soo sheegayo in lacago sharci darro ah lagu qaado, haddii ay wax ka qaban waayaanna tallaabo ayaa arrintaas ka qaadi doonnaa, Askarigii lagu helo isagoo lacag aan sharci ahayn qaadayana sharciga ayaan hor-geyn doonnaa”ayuu yiri Col. Yuusuf Xuseen Dhuumaal.
Hadalka uu sii daayay Taliyaha Hoggaanka Ka-hortagga Dembiyada ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo Darawallada Gaadiidka BL-ka ay ka cabanayaan lacag sharci ah oo ay ka qaadaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, iyadoo sidoo kalena ay jirto cabasho ka imaaneysa dadka Muqdisho oo ku saabsan inay Ciidamada Dowladda dhac u geystaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia