Isniin, September 08, 2008(HOL): Af-duubayaashii qafaashay Amanda Lindhout oo Canada u dhalatay, Nigel Brennan oo Australia u dhashay iyo C/fataax Maxamed Cilmi oo Soomaaliya u dhashay ayaa waxay dalbadeen Lacag madax-furasho ah oo dhan 2.5 Milyan Dollar (1.8 Milyan Euro).
“Kooxaha Wariyayaasha qafaashay waxay dalbanayaan lacag madax-furasho ah oo dhan 2.5 Milayn, waxaana isku dayeynaa in iyagoo bed qaba la soo daayo Wariyayaashaas”sidaas waxaa yiri Daahir Faarax oo ka mid ah dad ku howlan sidii Wariyayaashaas loo sii deyn lahaa.
Qof kale oo ku andacooday in uu u dhaxeeyo kooxaha wax af-duubtay iyo dad wax laga af-duubtay oo la xiriiray Wakaaladda Wararka AFP ayaa isna wuxuu sheegay in ay kooxaha wax af-duubtay dalbanayaan lacagtaas madax-furashada ah, isagoo ku guuleystay in loo ogolaado labo qofood oo sheegtay in ay yihiin wariyayaasha Ajnabiga ah in ay si kooban uga hadlaan xaaladdooda.
“Waxaan ahay Amanda Lindhout, Warfidiyeen Canada u dhalatay, xaaladdeena caafimaad aad ayay u wanaagsan tahay” sidaas waxaa tiri Amanda Lindhout oo ah Wariye Madax-Bannaan oo ka soo jeeda Gobolka Alberta ee Dalka Canada.
Sidoo kale nin sheegay in uu yahay Nigel Geoffrey Brennan oo ah sawir-qaade Australia u dhashay ayaa isna wuxuu sheegay in ay wanaagsan yihiin jir ahaan iyo maskax ahaan. Wariyayaashan ayaa waxay ka hadlayeen deegaan aan la aqoonin.
“Waxaan u baahannahay lacag madax-furasho ah oo dhan 2.5 Milyan Dollar, si aan u sii deyno la heystayaasha “sidaas waxaa yiri Aadan Nuur Siyaad oo isku sheegtay in uu yahay dhexdhexaadiye u dhaxeeya la-heystayaasha iyo dowladaha ay u dhasheen.
23-kii bishii hore ayay ahayd markii Amanda Lindhout, Nigel Brennan iyo C/fataax Cilmi oo warbixinno ka diyaarinayay dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho ee ku nool inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ay af-duubteen kooxo hubeysan, kuwaasi oo ugu dambeyntii haatan dalbanaya lacag madax-furasho ah oo ay ku sii daayaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia