Isniin, September 08, 2008(HOL): Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Cabdi Haybe Cilmi ayaa beeniyay Warar sheegaya in Guddoomiye-xigeenka Jaamacadda Hargeysa uu dalka dibeddiisa u baxsaday baadhitaanno lagu wado Musuq-maasuq la sheegay inuu Jaamacadda la soo dersay oo ay dhawaan baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta Maxalliga ahi, isla markaana waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in uu Guddoomiye-xigeenku fasax sanadeed ku baxay. Waxaanu qiray in ay jiraan Hanti-dhawr loo xilsaaray Musuq-maasuqa la sheegay inuu Jaamacadda la soo dersay oo ay baadhitaan ku wadaan.
Guddoomiyaha oo xalay Xarunta Jaamacadda Hargeysa ugu waramayay Warbaahinta maxalliga ah qaarkood, ayaa sheegay in Guddoomiye-xigeenka Jaamacadda Hargeysa aanu si qarsoodi ah u bixin, balse uu si caddaan ah uga dhoofay Gegida Diyaaradaha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa. Isaga oo Guddoomiyuhu ku tilmaamay arrinta Musuq-maasuqa ee la sheegay in baadhitaanka lagu wado mid qasan. “Sheekadu waa Sheeko si u yar qasan, Hanti-dhawr baa la sameeyay sanadkii 2005-tii, natiijaa ka soo baxday. Kii kalena haddaa lagu jiraa oo wali wixii ka soo baxay ma ogin..
Waxaan dhammaan dadweynaha iyo ciddii aaminsan inuu baxsaday Guddoomiye-xigeenka Jaamacaddu sida lagu sheegay Wargeyska Jamhuuriya, u sheegayaa inaan jirin cid uu ka baxsaday iyo wax uu ka baxsaday toona. Qof walba oo Jaamacadda ka tirsani ama Arday ha ahaado ama Shaqaale ama Maamul-ba ha ahaadee, waxa uu sanadkii leeyahay Bil fasax ah. Guddoomiye-xigeenka Jaamacadduna waxa uu u baxay fasaxiisii caadiga ahaa, cid uu iska qarinayaana ma jirin oo si la wada ogyahay ayuu uga duulay Madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airport.” Ayuu yidhi Prof. Cabdi Haybe. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Laakiin anagu arrinka intaa jiray inay wakhti hore soo bandhigaan (Wargeyska Jamhuuriya) ama ay si kale u soo bandhigaan ayaanu filaynay. Waayo, waxa la yidhi Salaad walba waqtigeedaa la tukadaa..Saxaafad ahaan labada dhinacba in la waraysto oo marka qof War siiyo in uu ka hubiyo dhinaca kale ee ay khusaysay uu wax ka waydiiyo, wixii sax ahi way uga soo baxayaan.”
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa waxa uu ka waramay sooyaal-ka taariikheed ee Jaamacadda Hargeysa iyo kaalinta ay dalka kaga jirto. “Waxaynu haysanaa Jaamacad ay ka qalin-jebiyeen maanta Ubad badan oo anfacay naftooda, Waalidkood iyo Dalkoodaba. Taas oo in wax lagu daro mooyaane in wax laga dhimo aan ku habboonayn.” Ayuu yidhi Prof. Cabdi. Waxaanu Bulshada ugu baaqay, “Waxaan ku wargelinayaa cid kasta oo ka naxaysa ama danaynaysa Jaamacadda inayna u arkin in qof dantiisa gaarka ah wato, balse ay arkaa runta. Runtaas oo ah waxa Jaamacadda dhexdeeda yaala iyo waxay soo saartay.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland