Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Cabirka Farta

Sabti, September 27, 2008(HOL): Afar ruux ayaa geeriyootay 9 ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan  ayaa soo gaaray kadib markii lagu qarxiyay Miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago ah.
 
Afarta ruux ee geeriyootay ayaa la sheegay in ay ahaayeen dhalinyaro turub ku ciyaareysay Maqaayad ku taala Xaafadda Horseed ee Magaalada Baydhabo, halka kuwa dhaawacmayna ay isugu jireen dad ku sugnaa nawaaxiga maqaayaddaas iyo kuwo wadada socday.

Isbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in la geeyay sagaalka ruux ee qaraxaas ku dhaawacantay, kuwaasi oo haatan Isbitaalka loogu sameynayo gurmad caafimaad.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Xaafadda Horseed ee uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in Dadka lahaa Maqaayadda la qarxiyay la soo gaarsiiyay digniino ku saabsan in ay Maqaayadda xiraan xiliga maalintii inta lagu guda jiro bisha Ramadaan hayeeshee ay digniintaas ka dhego adeygeen.

Qaraxaas kadib ayaa waxaa Xaafadda Horseed gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo baaritaanno ka sameeyay nawaaxiga Maqaayaddii uu qaraxa ka dhacay. Lama soo sheegin cid ay Ciidamada qaraxaas u qabteen.

Magaalada Baydhabo ayaa dhawaanahan waxaa ku soo badanayay falal nabadgelyo darro ah oo isugu jira dilal loo geysto dadka dowladda la shaqeeya iyo weliba kuwo aan la shaqeynin, weerarro lagu qaado guryaha ay degan yihiin Xildhibaannada Baarlamaanka iyo weliba Qaraxyo, waxayna falalkaas ka dhigeen Magaalada Baydhabo mid aanu Ammaankeeda hagaagsaneyn.

Ugu dambeyntiina, Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay oo aanu ammaankeeda hagaagsaneyn ayaa waxay Xarun  KMG ah u tahay Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay ku yaalliin Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis),  Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia