Duqeyn ay Dad ku dhinteen oo maanta mar kale loo geystay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Sabti, September 27, 2008(HOL): Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa maanta waxaa loo  geystay duqeyn ba’an, taasi oo sababtay dhimashada dad 10 ruux ku dhow.

Duqeyntan oo loo adeegsaday Madaafiic isugu jirta kuwa ka dhaca Taangiyada iyo Hoobiyayaasha ayaa waxaa geystay Ciidamada Amisom ee ku kala sugan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Madaafiicdaas ayaa waxay ku dhaceen dhowr qeybood oo ka tirsan Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo kala ah Bacadlaha, Cabdalla Shideeye, Badarka,  Cir-toogte iyo Dawada, waxayna halkaas waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad isugu jiray kuwo goobo shaqo ku sugnaa iyo kuwo suuqa u tagay in ay ka soo dukaameystaan.

Duqeynta ay Ciidamada Amisom u geysteen Suuqa Bakaaraha ayaa waxay timid kadib markii Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya ay madaafiic hoobiyayaal ah ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, xili ay halkaas soo caga-dhiganeysay diyaarad saanad mileteri u waday Ciidamada Amisom.

Muddo isu dhow ayay ciidamada Amisom duqeyn ku dileen dad ka badan 60 ruux, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ay madaafiic ku dul-habsadeen iyagoo guryahooda iyo goobahooda ganacsiga iska joogay, halka ay duqeyntaas ku dhaawacmeen dad ka badan 200 oo ruux.

Duqeynta ay Ciidamada Amisom u geysanayaan Suuqa Bakaaraha iyo goobaha ay dadka rayidka ah degan yihiin ayaa waxay magaalada Muqdisho ka dhigeen mid inta badan laga qaxay, waxayna duqeyntaas saameysay Degmooyinka Howl-Wadaag, Hodan iyo Waaberi, kuwaasi oo dadkii ku noolaa ay u barakaceen duleedyada Magaalada Muqdisho iyo xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho oo nabadgelyooda wanaagsan tahay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia