Diyaarado nooca dagaalka ah oo xalay dul heehaabayay Xeebaha Gobolka Bari

Cabirka Farta

Sabti, September 27, 2008(HOL): Waxaa xalay laga maqlayay  qeybo ka mid ah Tuulooyinka Gobolka bari guuxa diyaarado nooca dagaalka ah oo ku socda joog hoose, sida ay soo sheegayaan dadka ku dhaqan Tuulooyinkaasi.

Tuulooyinka Waadi Khayr iyo Baargaal oo ka wada tirsan Gobolka Bari ayaa ahaa meelaha ugu badan ee sida aadka ah looga maqlayay guuxa diyaaradahaasi , waxayna arintani ay cabsi xooggan ku beertay xoolo-dhaqata halkaasi ku sugan.

Diyaaradahaan ayaa la sheegay in ay ka soo dul kacyeen Maraakiib nooca dagaalka ah oo ku sugan meel ka yara durugsan xeebaha Gacanka Cadmeed, kuwaasi oo qaarkood ay bixinayeen Laydh cas sida ay ku soo waramayaan Kalluumeysatada Tuulooyinkaasi.

Maamulka Degmada Baargaal ayaa sheegay in arintani la xiriirto Af-duub ay kooxo burcad badeed ah habeenkii Khamiista ahaa u geysteen Markab laga lahaa dalka Ukraine kaasi oo saanad mileteri u  waday dalka Kenya .

Dhawaan ayay ahayd markii diyaarado cayn kaan oo kale ay weerar ku qaadeen kooxo Burcad Badeed ah oo ku sugnaa Xeebta Degmada Garacad oo af-duub loogu heystay Markab laga lahaa dalka Faransiiska iyo Muwaadiniin Faransiiska u dhashay.

Wararku waxey intaasi ku raacinayaan in Markabkii laga lahaa Dalka Ukarine uu ka mid noqday 14 Markab oo  iminka af-duub loogu haysto xeebaha Dalka Somalia, gaar ahaan xeebaha ku teedsan Degmada Ayl ee Maamulka Puntland.

Inkastoo af-duubka Maraakiibta uu caadi ka noqday xeebaha Somalia ayaa hadana arintaasi waxa ay keeni kartaa tallaabo Mileteri oo ay qaadaan Dawladaha Maraakiibtooda af-duubka loogu haysto Xeebaha Somalia, siiba Dowladda leh Markabka Saanadda Mileteri wada.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Garowe,Somalia