Sabti, September 27, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa saaka waxay howlgallo ka sameeyeen Wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye, waxayna baarayeen guryaha ku yaala hareeraha Wadadaas.
Ciidamadan ayaa waxaa saaka lagu arkayay iyagoo taagan hareeraha Wadadaas, wuxuuna howlgalkooda isugu jiray mid ay Miinooyin uga baarayeen Wadada iyo Hareeraheeda iyo mid ay guryaha ku baarayeen.
Dad badan oo ku nool inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa markii ay arkeen Ciidamada Itoobiyaanka waxay isaga carareen guryahooda, iyagoo ka baqay in ay waxyeello u geystaan Ciidamada Itoobiyaanka oo dhowr jeer oo hore weerarro loogu geystay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Howlgalka ay Ciidamada Itoobiyaanka saaka ka sameeyeen Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ujeedkiisa ka soo baxaya warar kala duwan, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in Ciidamada ay howlgalladaas u sameynayaan si u sugaan Ammaanka Wadadaas, halka warar kalena ay sheegayaan in ay dhabaha u sii xaarayaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeda Magaalada Muqdisho.
Dad aan kala xiriirnay deegaannada Ceelasha Biyaha, Xaawo Cabdi iyo Lafoole ayaa waxay sheegayaan in howlgalka ay sameynayaan Ciidamada Itoobiyaanka uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqooda, waxaana meelaha qaarkood aan ka jirin dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga.
Hareeraha Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa Deegaanno ka sameystay dad badan oo ka barakacay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo xaafadahoodii ay noqdeen aagag dagaal oo mar kasta ay ku hardamaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia