Dowladda Federaalka Soomaaliya oo joojisay isticmaalka Baasaboorka Cagaaran

Cabirka Farta
Sabti, September 20, 2008(HOL): Qoraal ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo uu ku saxiixnaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu joojiyay isticmaalka Baasaboorka cagaaran ee Soomaaliyeed.

Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) oo ah Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo qoraalkaas saxaafadda u aqriyay ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay 30-ka bishan aan la isticmaali doonin Baasaboorka cagaaran ee Soomaaliyeed.

Xuseen Xuub-sireed waxa uu sheegay in waqtigaas wixii ka dambeeyay uu qofkii heysta Baasaboorka cusub ee ay soo sameysay Dowladda Federaalka isticmaali doono, kaasi oo uu sheegay in uu yahay mid casri ah oo E-Passport ah (Electronic Passport).

Muddo sanad ka badan ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho looga dhoofayay, loogana soo degnayay Baasaboorka cusub iyo midkii hore ee cagaarka ahaa, waxaana taasi isla gartay Shirkadaha Diyaaradaha Muqdisho iyo Waaxda Socdaalka Dowladda Fedeaalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, go’aankan ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ee lagu joojinayo isticmaalka Baasaboorka cagaaran ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho uu maalintii 5aad ku xiran yahay amar ka soo baxay Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia