Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Xoogagga Al-Shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen duqeyntii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta
Sabti, September 20, 2008(HOL): Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa wuxuu ku eedeeyay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab in uu ka dambeeyay duqeyn ay dad badan ku dhinteen oo shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/lle dhexe C/llaahi Xasan Bariise oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay dad badan madaafiic ku duqeeyay, wuxuuna beeniyay in Madaafiicda dadka ku dhamaadeen ay wax ku lahaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa la safan.

“Wax kasta oo dhibaato ah oo magaaladan ka dhaca waxaa loo heystaa nimankaas Al-Shabaab la yiraahdo”ayuu yiri G/lle dhexe C/llaahi Xasan Bariise , afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

C/llaahi Xasan Bariise waxaa uu dhinaca kale sheegay in uu tacsi u dirayo qoysaskii, ehelladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dad badan oo ku dhintay duqeyn shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, hadalkan uu sii daayay Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay duqeyntii ka dhacday magaalada Muqdisho ay ka qeybgaleen Ciidamada Amisom ee ku sugan garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo kuwa ku sugan Xarunta Villa Somalia.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia