Sabti, September 20, 2008(HOL): Kadib markii maalintii shalay Ciidamada Itoobiyaanku Madaafiic ku duqeeyeen Buuraha ku teedsan Xerada Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne isla markaana duqeyntaasi uu dhaawac ka soo gaaray qof rayid ah oo la socday Gaari Dhagaxle ah ayay Odayaashu dhaqanku bilaabeen wada hadallo arintaas ay kala yeelanaya saraakiisha Ciidamada Itoobiya.
Warar laga soo xigtay Ilo ku dhaw dhaw labada dhinaca ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ku wargaliyeen dhinaca Odayaasha in aysan marnaba u dul qaadan doonin sida ay hadalka u dhigeen joogitaanka gudaha Magaalada Ciidamada ka tirasan Maxkamadaha Islaamiga oo ku eedeeyeen in ay wadaan howl-galo la doonayo in lagu soo weeraro Xerada Jante-kuudisho.
Laakiin dhinaca Odayaasha ayaa waxaa ay ka codsadeen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya in la joojiyo Madaafiicda argagaxa ku riday in badan oo ka mid ah dadka rayidka ah, iyaga oo intaa raaciyay in uu jiro wada hadal la doonayo in Magaalada lagaga saaro Ciidamada hubeysan ee Maxkamadaha sidii kol hore dhacday oo kale.
Sidoo kale Ciidamada Itoobiyaanku waxaa ay ka digeen in Gaadiidku maro meel aan aheyn wadada gasha Jante-kuundisho si baaritaan loogu sameeyo, iyaga oo sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan gaariga isku daya in uu maro waddo kale.
Gaariga Maalintii shalay ahayd Ciidamadu rasaaseeyeen ayaa marayay waddo ka baxsan tan Jante-kuundisho waana tan keentay ayaa la leeyahay in Ciidamadu rasaasta ku furaan, Sikastaba arrintu ha ahaatee, marka la eego kulamada iyo wada hadallada u bilawday Odayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo waliba dhaq dhaqaaqyada Miletari ee mar marka qaar laga dareemayo labada dhinaca ayaa waxaa ay abuuri karaa shaki la xiriira suurta galnimada guluf coladeed oo keeni kara in mar kale Ciidamada Itoobiyaaku dib ugu soo laabtaan gudaha Magaalada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Maxaa ka soo baxay Wada hadal dhaxmaray Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee fariisinkoodu yahay Jante-kuundisho?
Cabirka Farta
More News
- Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Caawa mar kale heshiis ku wada saxiixanaya Dalka Jibouti
- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo joojisay isticmaalka Baasaboorka Cagaaran
- Dowladda Norway oo ku biirtay Dowlado Reer Yurub ah oo daneynaya in ay Xeebaha Somalia ka ilaaliyaan Kooxaha Burcad Badeedka
- Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo ka dhacay Magaalada Baydhabo
- Dad ku dhibaateysan Daafaha Magaalada Beledweyne oo Deeq la gaarsiiyay
- Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Xoogagga Al-Shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen duqeyntii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho
- Maamulka Puntland oo sheegay in uu soo qabtay xubno ka tirsanaa Kooxaha Burcad Badeedka