Dad ku dhibaateysan Daafaha Magaalada Beledweyne oo Deeq la gaarsiiyay

Cabirka Farta
Sabti, September 20, 2008(HOL): In ka badan 120 Qoys oo ku dhaqan daafaha iyo gudaha Magaalada Beledweyne ayaa markii ugu horeysay NGO-ga Geelo oo ka howl-gala Gobalka Hiiraan waxaa uu gaarsiiyay deeq isugu jirtay Raashin iyo Lacago Kaash ah.

Raashin ka kooban Bariis, Bur, Sokor, iyo waliba saliid ayaa la gaarsiiyay Qoysaska ku dhaqan Tuulooyinka Hoodley iyo Shiniile oo ka mid ah meelaha ay ku nool yihiin dadka ugu sii liita dhinaca nolasha kuwaa oo markoodii hore ahaa beero qodoto.

Sahro Max'ed Abti Doon oo ah Madax NGO-ga Geelo ee kaalmada ugu deeqay dadka dhibaateysan ayaa sheegtay in wax laga naxo tahay dhibaatada ku habsatay xiligan adag Qoysas badan oo Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobalka Hiiraan oo sida ay sheegtay qaarkood waqtigan ku jira dhibaato dhinaca nolasha ah tii ugu xumeyd, waxaana ay intaa raacisay in ay qorsheynayaan kaalmo intan ka badan sidii loo gaarsiin lahaa Qoysaska ay la soo darseen daruufaha dhinaca Nolasha.

Muuse Xuseen Afrax oo howl-wadeen ka ahaa deeqda la qeybiyay ayaa u sheegay HOL in dhibaatada ugu daran tahay Qoysaska oo xiligan noqday kuwo dhinaca nolasha ka siman, kadib markii ay wayeen dhamaan kaabayaashii nolasha sida Xoolihii ay dhaqan jireen iyo waliba Beeraha oo iyaguna baa ba'ay.

Waxaan markiiba si weyn kuu argagax galinaya muuqaalka Caruurta oo ah kuwo jiirkii ka dhamaaday Nafaqo dari la soo daristay awgeed, waxaa iyana xusid mudan in dadkii muruq maalka ahaa ee markii hore xooggooda ku soo saaran jirin nolal maalmeedka maanta aysan heysan meel ay u shaqo tagaan.

Inkastoo maalmihii ugu danbeeyay la gaarsiinayay Qoysaska ku dhibaateysan qeybo ka mid ah Gobalka ayaa hadana waxaa hubaal ah in xaalka Qoysaskaasi yahay mid aan lagu dabooli karin kaalmo mar kaliya la qeybiyo, lakiin loo baahan yahay in laga soo dhiso nolasha qeybta ugu hooseysa iyada oo laga saacidayo Qalabka Beeraha Abuurka iyo waliba in loo sameeyo Ceel Biyood ay ka cabaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia