![]() |
| Danjire C/kariin Laqanyo |
“Waxaa si aan la qiyaasin karin uga xumahay dilkii xaq-darrada ahaa ee loo geytay Nabaddoon Dacar Xirsi Xooshoow, waxaana shaki kujirin ama aanan muran ka taagneyn in dilkaasi uusan aheyn mid bucadnimo ah, laakiin uu xabaarsanaa farriin kale”ayuu C/kariin Faarax Laqanyo oo sheegay in Reer Hiiraan uu ka geeriyooday Nabaddoon iyo Hoggaamiye Dhaqan oo si weyn loo qadarin jiray.
Safiirka oo ka sii hadlayay dilka loo geystay marxuum Dacar Xirsi Xooshow waxaa uu intaas ku daray in isagoo ku hadlaya magaca reer Hiiraan iyo kiisaba uu tacsi u dirayo qoyskii iyo eheladdii uu ka geeriyooday marxuumka, isagoo Allaah uga baryay in uu Jannadii ka waraabiyo.
Intaas kadib Safiirka waxaa uu ugu baaqay dadka Reer Hiiraan in ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay isaga celin lahaayeen dadka dhexdooda ku ugaarsanaya dadka bulshada wax-tarka u ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan ay kari karaan in ay gacan bir ah ku qabtaan cid kasta oo dhibaato ka dhex wadda.
“Waxaan ka codsaneynaa in shacabka Reer Hiiraan ay ka qeyb-qaataan baaritaannada lagu hayo dadka gobolka dhibaatada ku haya iyo in ay soo sheegaan ciddii ama shaqsiyaadkii aysan garaneynin oo ku dhuumaaleysanaya guryahooda ama guryaha deriskooda”ayuu yiri Danjire C/kariin Faarax Laqanyo.
Ugu dambeyntiina, Danjire Laqanyo waxaa uu ugu baaqay dadka ku dhaqan Gobolka Hiiraan in ay dadka safarka ah iyo kuwa la deriska ahba ay nabadgeliyaan, badbaadiyaan, Soomaalinimana ay kula dhaqmaan, laakin wuxuu farta ku fiiqay in looga baahan yahay in aysan u dul-qaadan in mar kale dhexdooda laga ugaarsado dadka bulshada wax-tarka u leh.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
