Arbaco, October 08, 2008(HOL): Waxaa xalay fiidkii bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lagu dilay Ganacsade Caan ahaa oo lagu Magacaabi jiray Maxamuud Shiikh Cismaan.
Dilka Marxuumka ayaa la sheegay in ay gaysteen Niman ku hubaysnaa Bastoolado, iyadoo inta badan Xabadihii uu u geeriyooday ay kaga dhaceen Madaxa iyo shafka sida ay soo sheegayaan dad Goob-joogayaal ah.
Kooxihii dilka geystay ayaa ka baxsaday gacanta Ciidanka Booliska Gobolka Mudug oo markii dambe gaaray goobta uu dilka ka dhacay.
Dhinaca kale waxaa isna dhaawac aad u daran uu soo gaaray Wiil uu dhalay Marxuumka kaasi oo isku dayay in uu kooxihii Aabihiis dilayay uu hubka la qabsado, hayeeshee ay rasaas isaga reebeen.
Marxuumka dhintay ayaa dhinaca kale ka mid ahaa Guddiga amniga Gobolka Mudug, iyadoo ay jireen dilal loo gaysanayo dadka Magaca ku leh Gudaha Gobolkaasi.
Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo yeeray Maamulka Gobolka Mudug oo ku aadan dilka loo gaystay Marxuumka dhintay, iyadoo ay xusid mudan tahay in dilka marxuumka si weyn looga dareemay gobolka Mudug, gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.
Inkastoo dilkaan xalay ka dhacay Gudaha Magaalada Gaalkacyo uusan ahayn kii ugu horeeyay ayaa hadana arimahaan waxa ay la xiriiraan dilal qorshaysan waqtiyadii la soo dhaafay ka dhacay Gudaha Magaaladaasi.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso ,somalia