![]() |
| Marxuum Dacar Xirsi Xooshow |
Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne ka kala yimid Afarta Xaafadood ee Magaaladu ka kooban tahay, Mas'uuliyiinta Hay'addaha Samafalka, Culimaa'udiin, Golaha Odayaasha Gobalka, iyo waliba qaar ka mid ah Duubabka Dhaqanka oo uu horkacayo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.
Shiikh C/llaahi Cali Barkhadle oo la hadlay dadkii isugu yimid aaska ayaa ku booriyay qof walba in laga doonayo Alle ka cabsi, waxaana uu sheegay in maalin maalmaha ka mid qof kasta sidan oo kale Qabriga loo dhigi doono, waxaana uu marxuumka Allaah uga baryay in uu Jannadii ka waraabiyo.
Col. Cumar Xaanshi Aadan oo la hadlayay Warfidiyeenka gudaha ayaa ku sheegay falkii lagu dilay maalintii shalay ahayd Nabadoon Dacar in uu ahaa mid ka hor imaanaya Nabadda, waxaana uu intaas raaciyay in Nabadoon Dacar uu u dhintay Codkiisa oo uu ku doonayay in aan gargaarka laga joojin dadka dhibaateysan, isla markaana la halo Nabad lagu wada noolaado.
Cumar Xaanshi waxaa uu ku booriyay Mas'uuliyiinta Midowgga Maxkamadaha ee ku sugan Magaalada Beledweyne in baaritaan lagu sameeyo cida ka danbeysay dilka Marxuumka si ayuu yir sharciga loo horkeeno.
Laga oga tallaabada ay qaadi doonaan Mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ah ee gacanta ku haya Gobalka Hiiraan, kuwaas oo maalintii shalay sheegay in aysan ka hari doonin kuwii geystay falka lagu dilay Nabadoonka oo ka mid ahaa Odayaasha sida weyn looga qadariyo Gobolka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
