Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo cambaareeyay dilkii loo geystay Nabaddoon Dacar Xirsi Xooshow

Cabirka Farta

Arbaco, October 08, 2008(HOL): Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, garabka Jibouti ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxaa uu  si xoog leh ugu dhaleeceeyay dilkii shalay loo geystay loo geeystay Allaha u naxriistee Nabaddoon Dacar Xirsi Xooshow oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.

“Isbahaysiga waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba, waxaa uuna si gaar ah tacsidaasi ugu gudbinayaa ehelladii uu nabaddoonka ka geeriyoooday iyo guud ahaan reer Hiiraan”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Isbahaysigu waxaa uu intaas ku sii daray in uu farayo  maamulka gobolka Hiiraan inay sida ugu dhaqsaha badan gacanta ugu soo dhigaan gacan ku dhiiglihii geystay dilka nabaddoon Xooshow, lana hor keeno cadaaladda.

“Isbahaysigu waxa uu farriin culus u dirayaa dhammaan Masuuliyiinta ka arrimiya goobaha cadawga laga xoreeyay inay dadaalkooda ku wajahan sugidda nabadgelyada guud,  ayna laba jibaaraan, si loo sugo amaanka  shacabka ku dhaqan deegaanada ay mas’uulka ka yihiin , gaar ahaan dadka u adeega bulshada oo ay hormuudka  ka yihiin Odayaasha Dhaqanka , Aqoonyahanka , Hay'adaha gargaarka iyo samafalka” ayaa mar kale lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliyeed, garabkiisa Jibouti ku sugan.

Sidoo kalena Isbahaysiga waxaa uu warsaxaafadeedka ku cambaareeyay  duqeynta ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Shisheeye ay ka geysanayaan goobaha ay Dadka Rayidka ah ku badan yihiin, dhinaca kalena wuxuu ku celiyay baaq uu horay u jeediyay oo ahaa in la furo Garoonak Diyaaradaha Muqdisho.

Ugu dambeyntiina, Isbahaysigu waxa uu ugu baaqay beesha Caalamka, Ururrada Caalamiga ah iyo kuwa goboleedba inay gacan ka geystaan sidii ciidamada Ethiopia looga saari lahaa dalka , Soomaalidana loogu madax banaaneyn lahaa inay ka tashadaan aayahooda, taaas oo keeni karta inuu dib u soo noqdo jiritaankii iyo karaamadii shacabka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia