Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in waqtiga Xajka Umadda Soomaaliyeed kaga dhoofi karto Madaarada Somaliland Baasaboorkii hore ee Cagaarka ahaa

Cabirka Farta

Axad, 05 October 2008 (HOL): Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa sheegay in Baasaboorkii hore ee Cagaarka ahaa ee Somalia lagaga dhoofayo Madaarada Somaliland sanadkan, isla markaana aanay Xukuumad ahaan aqoonsanayn Baasaboorka cusub ee dhawaan ay hirgelisay Dawladda Federaalka ee Soomaalia. Wuxuuna ugu baaqay dhammaan umadda Soomaaliyeed inay madaarada Somaliland kaga dhoofi karaan gudashada Xajka ee sanadkan Baasaboorkii hore ee Cagaarka ahaa.

Wasiirka oo shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in aan Madaarada Somaliland aan lagu soo geli karin Baasaboorka cusub ee Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaalia, isla markaana k lagaga dhoofi karo oo kaliya Baasaboorka Somaliland iyo kii hore ee Cagaarka ahaa. Waxaanu sheegay in ay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan oo ay ogol yihiin isticmaalka Baasaboorka Cagaarka ah oo ay dadka ku wargelinayaan. “Dadka reer Somalia ee Islaamka ah ee aanu walaalaha nahay waxaanu u samayn karnaa in Madaaradda Somaliland kaga dhoofaan oo Xajka ka tegaan Baasaboorradii Cagaarka ahaa, sida ay sannadadii u dhawaydba u isticmaali jireen, waana u fududaynaynaa.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka waxa la waydiiyay su’aal u dhignayd, "Baasaboorkan Cagaarka ah miyaan dawladda Sacuudigu joojinin, sidee loogu tagi karaa Xajka? Waxa uu ku jawaabay, “Maya, ma joojinin wali oo sanadkii dhawaa Xajka ayaan tegay, waxay ku talo galeen inay joojiyaan, hase yeeshee waxa dhacday in laysku qabtay oo ay yidhaahdeen kii hore ha la wado. Waxaanu u sheegaynaa Dawladaha Sacuudigu ka mid yahay Xajku maaha wax Siyaasad geli kara,” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Somaliland-na waxa lagaga dhoofi karaa Baasaboorka Somaliland iyo dadka haysta kii hore.”

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.