Dadka soo Barakacay ee ku sugan qeybo ka mid G/Hiiraan oo cabasho ka muujiyay hanjabaado loo jeediyay Hay'adaha Samafalka

Cabirka Farta

Axad, October 05, 2008(HOL): Kadib markii uu dhawaan soo baxay amar Hay'adaha Care Internationl iyo IMC looga mamnuucayo in ay ka shaqeeyaan deegaanada ay ka taliyaan koox Diimeedka Al-shabaab, ayaa waxaa arinaas walaac daran ka muujiyay qeybo badan oo ka mid dadka dan-yarta ah gaar ahaan kuwo Barakacayaasha ee ku Gobalka Hiiraan.
 
Qaar ka mid Xeryaha ay ku jiraan dadka Barakacayaasha ah iyo kuwa ku Xoolo beelay Abaarta ku dhufray qeybo ka mid ah Gobalka oo ay HOL booqtay ayaa waxaa ay u sheegeen dadka ku jira in ay si weyn uga xumaadeen markii ay qalabka warbaahinta ka dhageysteen go'aanka lagu mamnuucayo howlahii labadaas Hay'adood, iyaga oo intaas ku daray in ay tallaabadaas ula muuqto mid la doonayo in lagu horjoogsado gar gaarka la siiyo.
 
Shiikh Abuukar Daa'uud Guure oo ah Guddoomiyaha Tuulada Hiiraan ayaa sheegay in Hay'adda IMC ay maalmihii ugu danbeeyay ku howlaneyd gacan siinta dadka ku dhibaateysan Tuulada, laakiin waxaa uu yiri tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu soo baxay war loogu hajabay waxaa yaraaday gargaarkii ay iyo xitaa kormeerkii Hay'adda taasoo muujineysa ayuu yiri saameynta arintani ku yeelan karto dadka danyarta ah.
 
Sidoo kale Barkacayaasha ah ee ku jira Xeryaha Siigaalow,  Ex.Garoonkii hore Diyaaradaha, iyo waliba kuwo kale oo badan oo ku yaala Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay joogsadeen kormeerkii joogtada ahaa ee Hay'adda Care ku sameyn jirtay, iyaga oo intaas ku daray in ay shaki ka qabaan helitaanka gargaarkii la soo gaarsiin jiray.
 
Marka la eego Gobalka Hiiraan waxaa la oran karaa labada Hay'adood IMC iyo waliba Care waa kuwo qabta howlaha ugu badan ee dhinaca Samafalka, gaar ahaan Hay'adda IMC oo marka laga soo tago gacanta ay siiso dadka tabaaleysan sidoo kale ka hirgelisay magaalada Beledweyne dhowr Xero oo lagu quudiyo caruurta .

Ugu dambeyntiina, sLama oga in labadaasi Hay'adood joojin doonaan gargaarkii ay dadkaas u fidin jireen iyo in kale, balse waxaa hubaal ah in hajbaadaha iyo go'aamada ka dhanka ah Hay'adaha Samafalka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya ay hakad galin karaan howlihii gargaarka oo markii horeba ahaa kuwo lagu waday si naf-hurnimo ah.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia