Maamulka Gobolka Sanaag oo ka digay in wax Gaadiid ah lagu dhaco Gudaha Gobolkaasi

Cabirka Farta

Axad, October 05, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Sanaag ee Puntland ayaa ka digay in wax gaadiid ah oo la soo dhacay lala soo galo Gudaha Gobolka Sanaag ,Xilli waqtiyadii la soo dhaafay ay si aad ah ugu soo badanayeen Gudaha Gobolkaasi kala dhaca Gaadiidka.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur Dabayl oo ka qayb galay kulan looga hadlayay Burcad Badeeda Afduubka iyo Tahriibta ayaa sheegay in Gobolka Sanaag iminka si aad ah ammaankiisa loo adkeeyay.

"Ma dhici doonto mar dambe in Gobolka Sanaag lala soo galo wax gaadiid ah oo laga soo dhacay meelo ka mid ah Puntland " Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

Maalmihii  ugu dambayay waxaa ku soo badanayay meelo ka mid ah Puntland kala dhaca Gaadiidka ,waxaana inta badan Baabuurta lala gali jiray Gobolka Sanag iyadoo loola sii Gudbi jiray Maamulka Somaliland.

Hadalladii Guddoomiyaha waxaa ku jiray in la awday dhamaan  Waddooyinkii lala mari jiray Gaadiidka la  soo dhaco , waxaana uu intaasi ku daray in Ciidanka Daraawiishta Gobolka Sanaag Heegan Sare la galiyay.

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Sanaag ayaa walaac xooggan ka muujiyay Burcad Badeedda ku soo badanaysa Xeebaha  Puntland ee af-duubka ka wada Xeebaha Gacanka Cadmeed.

Inkastoo af-duubka  Gaadiidka uu ku soo badanayay meelo ka mid ah Gobolka Sanaag ayaa hadana Hadalka Guddoomiyaha waxaa uu iImaanayaa xilli la diyaariyay Qorshe arimahaasi looga hortagayo.

Ma jirin Beryihii la soo dhaafay  cid ka hadashay arimahaasi iyadoo hadana arrintan ay ku soo beegmeyso xilli dhaca Gaadiidka uu si aad ah ugu soo badanayay tuulooyin ka mid ah Gobolka Sanaag.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,  Somalia