Axad, October 05, 2008(HOL): Xaaladda Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa haatan degan kadib duqeyn culus oo ay saaka isku weydaarsadeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xoogagga A-Shabaab oo ka soo horjeeda.
Duqeynta ka dhacday Degmada Dharkeenley ayaa waxay bilaabatay kadib markii Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo xiligaas ay diyaarad ka soo degeysay.
Markii ay Madaafiicda ku dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa xaafado ka tirsan degmada Dharkeenley waxaa ku dhacay madaafiic u muuqatay mid ay tuurayeen Ciidamada Amisom ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha iyo nawaaxigiisa.
Khasaaraha ka dhashay duqeyntaas ayaa inta ilaa iyo haatan la xaqiijiyay waxaa uu gaarayaa dhimashada hal ruux iyo dhaawaca shan kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.
Dadka ku dhaqan Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxay bilaabeen in ay barakacaan, iyadoo dadkaasina ay ku jiraan kuwo horay degmadaas ugu barakacay oo mar labaad sii barakacaya.
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa wuxuu xiran yahay in ka badan 20 maalmood, iyadoo tan iyo xiligaasna aysan ka soo degin wax diyaarad ah oo ay leeyihiin shirkadaha ganacsiga, marka laga reebo Diyaarado Mileteri oo u socday Ciidamada Amisom, kuwaasi oo iyana markii ay soo degayeen madaafiic lagu weeraray.
16-kii bishii hore ayay ahayd markii Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab bayaan uu soo saaray uu ku sheegay in uu xiran yahay garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo taasina uu sabab uga dhigay in garoonka ay isticmaalaan Ciidamada Amisom, kuwa Itoobiya, madaxda Dowladda Federaalka, sidoo kalena ay ka soo degaan Saraakiil sir-doon ah oo Mareykan iyo Israa’iil isugu jiray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia