Jimco, October 31, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ay magaaladaas ka dhaceen labo qarax xili gabal-dhicii maanta.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Qaraxyadan oo loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso iyo bambo gacmeedyo lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fariisimo ku leh gudaha Magaalada Baydhabo.
Ilaa iyo haatan inta la xaqiijiyay qaraxyadaas oo xiriir ahaa waxay geysteen khasaare dhimasho ah oo hal ruux ah iyo dhaawaca 17 ruux oo kale, kuwaasi oo isugu jiray Ciidamadii qaraxyada lala beegsaday iyo dad rayid ah oo ka dhawaa halka ay qaraxyada ka dhaceen. Qaraxyadan ayaa waxay ka kala dhaceen nawaaxiga Xero Qaadka iyo Suuqa Sarifka Magaalada Baydhabo.
Dadka Magaalada Baydhabo oo xiliga qaraxyadan dhacayeen guryahooda ku sii xaroonayay ayay qaraxyadan si weyn u cabsi geliyeen, waxaana lagu soo waramayaa in ay ka wel welsan yihiin waxa xigi doona qaraxyadan.
Dhacdo kale oo qaraxyadaas kadib ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxay ahayd in markii Ciidamada Dowladda oo xiray Nin ganacsade ah oo ay Ciidamada qaraxyadaas la xiriiriyeen ay taasi ka gadoodeen dhalinyaro deegaanka ah, kuwaasi oo intey hubkooda qaateen soo furtay ninkii ay Ciidamada xireen oo lagu xiray saldhigga boolis Baydhabo.
Fursadda Ninkaas lagu soo daayay ayaa waxay iyana jaanis u noqotay mas'uuliyiinta shirkado Isgaarsiineed iyo kuwo xawaalado oo uu guddiga Ammaanka Magaalada Baydhabo horay ugu soo xiray Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo sida la sheegay laga doonayay in ay bixiyaan lacag canshuur ah, hayeeshee ay diideen in ay bixiyaan.
Qaraxyadan ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo dhamaan Xildhibaannadii Baarlamaanka Soomaaliya oo fariisin KMG ah ku lahaa Magaalada Baydhabo ay ku maqan yihiin Magaalada Nairobi, halkaasi oo ay u aadeen shir ay la lahaayeen Urur Goboleedka IGAD.
Lama oga in Xildhibaannada Baarlamaanka ee Nariobi ku maqan ay dib ugu soo noqon doonaan Magaalada Baydhabo oo horay qaar ka mid ah Xildhibaannada loogu weeraray, halka ayba jireen Xildhibaanno lagu dilay oo kala ahaa Cabdalla Deerow Isaaq iyo Maxamed Cusmaan Maye.
Ugu dambeyntiina 29-kii bishan ayay ahayd markii shan goobood oo ku kala yaala Magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso Qaraxyo lala beegsaday, iyadoo qaraxyadaas labada magaalo ka dhacayna ay geysteen khasaare dhimasho ah oo ku dhow 30 ruux iyo dhaawac intaas ka sii badan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia