Jimco, October 31, 2008(HOL): Maamulka DGPL ayaa ururka Al Shabaab uga digay in ay soo galaan gudaha Puntland, isla markaan ay ka fuliyaan danahooda gaarka ah, iyadoo uu maamulku qaraxyadii dhacay uu dusha u saaray Ururka alQaacida.
Wasiirka amniga DGPL C/llaahi Siciid Samatar oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno ku aadan Qaraxyadii dhacay ,waxaana uu sheegay in Al-Shabaab ay lug ku leeyihiin falalkii dhacay.
"Qaraxyadii dhacay waxa ay ahaayeen kuwo lagu khal khal galinayo amniga Puntland, waxaanse uga digaynaa al Shabaab in ay gudaha u soo galaan Puntland, isla markaana ay isku dayaan in ay amniga ka jira khatar geliyaan" sidaas waxaa saxaafadda u sheegay Wasiirka amniga Puntland.
Warar ka soo baxay qaraxyadii ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa waxay sheegayaan in loo qabtay labo ruux oo uu midkood uu yahay ajnabi sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Inkastoo aysan jirin cid si dhab ah u xaqiijin karta in al Shabaab ay joogaan Puntland ayaa haddana digniinta ka soo yeertay maamuka waxa ay imaanaysaa labo maalin uun kadib markii qaraxyo lala eegtay labo xarumood oo ay leeyihiin Ciidamada Sirdoonka Puntland ee PISta loo yaqaano.
Ugu dambeyntiina, maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Boosaaso ka soconayay hawlo baaritaanno ah, kuwaasi oo wax looga qabanayo amniga guud ee magaalada si aysan u dhicin qaraxyo la mid ah kuwii horay uga dhacay oo kale.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia