Qorayaal iyo Hal-Abuurayaal Soomaaliyeed oo ku kulmay London

Cabirka Farta


Jimco, October 31, 2008(HOL): Qorayaal iyo hal-abuur ku caan ah bushada soomaaliyeed dhexdeeda ayaa magaalada London ee dalka Britain waxa ay ka qeyba galeen kulan uu soo qaban qaabiyey ururka Somali Pen oo ah urur kulmiya Qorayaasha iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed .

Kulankaas oo lagu qabtay maktabadda Peckham ee koofur bari London, dadkii ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa abwaaniinta caanka ah Cali Sugulle Dulcarbeed, Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, Yuusuf Shaacir, Cali Seenyo iyo qaar kaloo fara badan oo suugaan aad u xiisa badan halkaa ka soo jeediyey. Waxaa kaloo halkaa lagu soo bandhigay buugaag fara badan oo qaarkood ay goobjoog ka ahaayeen qorayaashii qalinka ku duugay.

Kulankaas oo uu gudoominayey Saciid Jaamac oo ah qore iyo hal-abuurba waxaa warbixin ka soo jeediyey madaxa ururka Somali Pen Maxamed Daahir Afrax oo isna ah qoraa weyn aadna ugu caan baxay buuggii “Maana Faay” oo daabacaadyo badan laga sameeyey. Mudane Afrax oo u mahad celiyey dadkii ka soo qeyb galay kulankaas, waxa uu tilmaamay ugu horeyntii baahida loo qabo kobcinta iyo dhowridda qoraalka soomaaliyeed iyo hal-abuurka.

Waxa kale oo uu sheegay mudane Afrax in maalmaha soo socda ay iman doonaan dalkan UK qorayaal dhowr ah oo uu ka mid yahay Aw Jaamac Cumar Ciise oo dadku ku wada garanayaan buugiisii diiwaankii Sayid Maxamed,  Saalax Xaashi Carab, Maxamed C. Riiraash, Saciida Sheikh Axmed “VIP” iyo qaar kale. Intaas oo dhan  waxaa hormuud ka noqon doona ee madasha ka dhex muuqan doona abwaannada aqoonta ka soo galbiyey Geeska Afrika, kuwaas oo badankoodu ka imanaya Jabuuti oo noqotay xundhurta dhaqanka iyo murtida ku qoran af Soomaaliga.

Waxaa kale oo imanaya ayuu yiri suugaanley af-maal ah oo ay ka mid yihiin abwaanka Cabdi Muxumad amiin, Cabduqaadir Cabdi Shube iyo kuwa kaloo badan iyadoo ay ku soo wareegi doonaan magaalooyin badan oo ka mid ah dalkan Britain.

Buugta maalintaas la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa buugga la magac baxay “Hal aan tabayey” ee uu qoray Maxamed Baashe Sh. Xasan oo ka hadlaya taariikhdii iyo suugaantii Xaaji Aadan A. Af qalooc, Cabdiraxmaan Xaaji Ducaale “Boobe” Wuxuu soo ururiyey Maansadii iyo taariikh nooleedkii Alla ha u naxaruustee Cabdulaahi Suldaan “Timacadde”, Maxamed Xasan Cismaan oo ka yimid dalka mareykanka ayaa isna wuxuu soo bandhigay buugga “Barbaarinta Dhallaanka” waxaa isna halkaa buugtiisa lagu soo bandhigay qoraaga soomaaliyeed Cabdicasiis Cali Ibraahim “Xildhibaan”, buugga “Af soomaali - buugga 1aad” oo uu qoray Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon ay waalidiinta halkaa ka soo qeyb gashay aad xiiseeyeen, Dr. Axmed Sheekh Maxamuud oo isna qoray buug qiima badan oo ka hadlaya sida loogu baahan yahay in la helo wada hadal iyo wada tashi. Hase yeeshee buugta miiska ka muuqatay ayaa intaa aad uga badnaa.
Dadkii ka soo qeyb galay kulankaas oo aad u badnaa waxaan ka xusi karnaa Aamina Muuse Wehliye oo aad codkeeda in badan ka maqasheen idaacadda BBC-da. Ugu dambeyntii waxaa lagu ballamay kulamada dambe ee la qaban doono maalmaha soo socda.






Abdirahman M. Abtidon
[email protected]
London, UK