Jimco, October 31, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay kaxeysteen Imaamka Masjidka Fiyoore oo ku yaala Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.
Ninkani Imaamka ka ahaa Masjidka Fiyoore oo lagu magacaabo Shiikh Maxamed Xuseen Geelle ayaa waxay Ciidamada qabteen xili uu marayay nawaaxiga Hotel Muna oo ku yaala Degmada Xamarweyne, iyagoo kadibna ula dhaqaaqay dhinaca Xarunta Villa Somalia.
Ehellada Imaamka ayaa sheegay in Ciidamada intii aaney u kaxeysay dhinaca Xarunta Madaxtooyada ay jir-dil u geysteen, iyagoo xusay in aaney garaneynin sababta ay Ciidamada u kaxeysteen, iyagoo weliba walaac ka muujiyay sida ay xaaladdiisa tahay iyo halka uu ku dambeeyo.
Ehellada Imaamka ayaa waxay sheegeen in aysan ogeyn wax uu Imaamka ku lug lahaa oo keeni karay in ay Ciidamo kaxeystaan, waxayna sheegeen in uu kaliya ka tirsanaa ganacsatada Dawada ee Suuqa Bakaaraha.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada kaxeystay Shiikh Maxamed Xuseen Geelle oo ku saabsan sababta ay xoriyadda uga qaadeen ee ay u xireen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia