Jimco, October 24, 2008(HOL): Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen Haweenka Nabadda Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada KM5 iyo Banaadir ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Dadka Banaanbaxan ka qeybgalay oo u badnaa Arday ay waxbarasho la’aan kala soo deristay Dagaallada ka dhaca Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafadaha Taleex iyo KM4 ayaa waxay codsanayeen in goobaha ay ku yaallaan Xarumahooda waxbarashada ay noqdaan kuwo ka caagan Ciidamada iyo dagaallada.
Waalidiinta dhalay Ardaydan oo iyagana Banaanbaxa ka qeybgalay ayaa waxay sheegeen in ay Caruurtooda oo isugu jira kuwo Jaamacado dhiganayay iyo kuwo Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare dhiganayay ay la soo deirstay waxbarasho la’aan, sidaas darteedna ay dhinacyada ku dagaallama Xaafadaha Hodan ay ka codsanayaan in ay dagaallada ka joojiyaan.
Saaka ayaa ugu dambeysay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo ka sii hor ay dhowr jeer halkaas dagaallo ka dhaceen.
Banaanbaxa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo dagaallo ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ay ku xirmeen goobo waxbarasho oo degmadaas ku yaalay, kuwaasi oo qaar ka mid ah ardaydii wax ka baraneysay iyo weliba macallimiintooda ay ku geeriyoodeen dagaalladaas, waxaana laga xusi karaa macalimiinta geeriyootay Prof. Castro oo wax ka dhigi jiray Jaamacadda Muqdisho.
Dalladda Waxbarashada Safe ayaa baaris ay sameysay waxay ku ogaatay in ku dhawaan 30 goobood oo waxbarasho ay dagaalladaas Degmada Hodan ka dhaca ku xirmeen, iyadoo xustay in goobahaas waxbarasho ay wax ka baranayeen 27,200 oo arday, kuwaasi oo haatan ku kala firirsan magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia