Jimco, 24 October 2008 (HOL): In ka badan 150 goobood oo ka tirsan Gobolka Awdal ayaa saaka arooryadii hore ay ka bilaabantay Diiwaangelinta Cod-bixinta Doorashooyinka Somaliland. iyada oo ay hadda ku sugan yihiin Gobolkaas Hoggaamiyayaasha sar-sare ee Siyaasadda Somaliland.
Inkasta oo ay si habsami ah goobahan ay uga bilaabantay Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Diiwaangelintu, haddana waxa jiray 4 goobood oo aanay ka hirgelin Diiwaangelintu ka dib markii ay Dadweyne gadoodsani Weerar ku qaadeen goobahaas, isla markaana ay hawshii halkaa ka socotay khalkhal geliyeen. Goobahan aanay ka dhicin Diiwaangelintu ayaa ah goobo ay xuduud ahaan ku muransan yihiin Degmooyinka Baki ee gobolka Awdal iyo Degmada Gabiley ee gobolka cusub Gabiley.
Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyayaasha Axsaabta Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Faysal Cali Waraabe ayaa hadda ku sugan Deegaano kala duwan oo ka tirsan Gobolka Awdal iyo sidoo kale gobolka cusub ee Salal ee xaruntiisu tahay Saylac. Kuwaas oo dhammaantood u guntan in ay umadda Deeganadaas ka dhaadhiciyaan muhiimadda Diiwaangelinta.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland